“Annagu Ma Degdegsanayno Aqoonsiga Caalamiga Ah, Haddana Annaga Oo Og Muhiimadda…
April 18, 2018 - Written by admin

“Annagu Ma Degdegsanayno Aqoonsiga Caalamiga Ah, Haddana Annaga Oo Og

    

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi cabdi, ayaa ku dooday inay Somaliland xidhiidhada ay dunida la yeelanayso ku salayso danaheeda oo ay eegto hareeraheeda dabadeedna xulato jidka ugu fiican.

Madaxweyne Biixi oo u waramay wargeyska Al-Bayaan ee Imaaraadka Carabta ka soo baxa wuxuu ku yidhi, “Xidhiidhadayada arrimaha dibadda waxa aanu u eegnaa danta dadkayaga uun. Hareerahayaga ayaa aanu eegnaa, waayo aragnimada dawladaha, markaasaanu ka doorannaa ta ugu fiican si aanu u soo qaadanno. Waxa aanu nahay dawlad soo koraysa, waxa aanu isku dayeynaa, in aanu samayno jidkii ay muwaadiniintayadu barwaaqo ku gaadhi lahaayeen.”

COMMENTS
Latest News