Xuseen Axmed Caydiid Oo Loo Go’aamiyay In Uu Buuxiyo Kursiga Golaha Wakiilada
April 18, 2018 - Written by admin

Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa goor dhaweyd go’aan ka soo saaray Kursi golaha Wakiiladda ah oo uu Baneeyay ama ka Baxay Rabbi naxariistii Jano ha ka waraabiyee Marxuum Ibraahim Axmed Haybe.

Kursigan  oo u banaanaday Xil Sugeyaasha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Maroodi Jeex ayaa dhawrkii maalmood ee La soo dhaafay uu maran xooggani ka taagnaa Ka dib markii Xuseen Axmed Caydiid iyo Maxamed Muuse Abees oo iyagu isku xiga la soo dhigay waraaqo ay ku cad yihin magacyadoodu islama markaana midba mar la leeyahay waxa uu buuxin doonaa Kaalintaasi.

Gudida doorashooyinka Somaliland oo dib ugu laabtay kaydka Xil sugeyaasha Xisbiga Kulmiye ayaa soo cadeeyay In Xuseen Axmed Caydiid uu buuxin doono jagadaasi, sidaasna loogu gudbin doono Maxakamada sare oo u dhaarin doonta Xilkaasi.

waxaana ugu danbayn halkaasi ku soo gabogaboobay muran Baraha Bulshada iyo warbaahinta inteeda kaleba ay falanqaynaysay

COMMENTS
Latest News