Faysal Cali Waraabe Oo U Jawaabay Boqor Buur Madoow, Kana Hadlay…
April 19, 2018 - Written by admin

Faysal Cali Waraabe Oo U Jawaabay Boqor Buur Madoow, Kana Hadlay…

Faysal Cali Waraabe Oo U Jawaabay Boqor Buur Madoow, Kana Hadlay Xadhiga Wiil Iyo Gabadh Xukuno Kala Duwan Lagu Riday

    

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii uu Boqor Buur Madoow ka jeediyay deegaanka carmo, waxaanu xusay in aanay Somaliland ka bixin xadkeedii.

Waxaanu yidhi “Arrintaasi waa arrin xun, in uu Buur Madoow yidhaahday ahayd waxa ay ciidamada Majeerteeniya u joogaan Somaliland ma garanayno in uu halkaas ka yidhaahdo ayay ahayd, laakiin in uu ciidamo dalkoodii jooga yidhaahdo  ka noqda, mid meesha qabata may ahayn.

Waxa ay ahayd in uu iyaga u caqli celiyo Moorgan baa meesha joogay oo sacabka tumayay,” ayuu yidhi

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay xadhiga Abwaan Niciima Qorane iyo maxamed Kayse, oo xukuno kala duwan lagu riday

“anigu hore ayaan u sheegayoo waxa aan idhi qof aan waxba ahayn ayaynu ka dhignaa Geesi, inanta yar  ee xamar tagtay ee iska muraaqootay ee qalbi xabxabka ah,  maaha in aynu nidhaahno inan yar baa la xidhay iyo inan yar baa hadal tidhiye waa in aynu gudaheena hagaajisanaa, waa in aynu horumar keenaa, laakiin maaha in aynu ku meeraysano gabadh yar  yo wiil yar, waxaanan caruurteena leenahay dalkan dhibaato ayaa loo soo maray” ayuu yidhi Faysal cali waraabe oo hctv u waramayay.

COMMENTS
Latest News