China: Lamaane Xaflada Arooskooda Ku Qabsaday Waddo Mashquul Badan
April 24, 2018 - Written by admin

China: Lamaane Xaflada Arooskooda Ku Qabsaday Waddo Mashquul Badan

Home  News

China: Lamaane Xaflada Arooskooda Ku Qabsaday Waddo Mashquul  badan

    

Badhtamaha Dalka China ayaa todobaadkan waxa ka dhacday arrin la yaab leh ka dib markii lamaane ay go’aansadeen in ay arooskooda ku qabsadaan badhtamaha jid mashquul badan.

arrintan oo ay warbaahintu aad u qaadaa dhigaysay ayaa dhacday Isniintii aynu ka soo gudubnay, Waxaana ay Go’aansadeen in xaflada Arooskoodu ay qabsoonto gelinka danbe.

Xaflada Arooska ayay u qorshaysteen in ay ka qabsoonto badhtamaha wadada Marta magaaladda Yichuan ee gobolka Henan.

Muuqaal laga duubay arooskan ayaa muujinaya Lamaanahan oo ku labisan dharka ay caanka ku yihiin dadka is aroosanaya oo gacmaha is haysta iyo dad badan oo xafladda Arooska ka soo qayb galay.

marka laga yimaado dadkii la socday Lamaanahan waxa iyaguna baabuurtii ay wateen joojiyay, kana soo degay dirawalada wadada uu aroosku ka dhacayay.

Ehelada lamaanahan ayaa ugu hambalyeeyay caruuskooda, waxaana isla muuqaalka laga arkayay iyaga oo ku cabiraya in uu ahaa aroos la yaab leh isla markaana dunida ku cusub.

Ma aha markii ugu horeysay ee wadanka Shiinaha lamaane is calmaday ay sidan oo kale xaflada arooskooda ugu qabsadayaan meel wado ah, waxaana sanadkii 2016-kii ka dhacay isla aroos la mid ah  kan oo kale, kaas oo isna ka dhacay waddo aad u mashquul badan

COMMENTS
Latest News