DEG DEG -Xukumada Oo Ganaax Lacageed Ku Xukuntay Shirkadii Shidaalka Xun Dalka Keentay Iyo Qadarka Lacagtaasi Dhantay Oo La Shaaciyey
May 4, 2018 - Written by admin
Xukuumada Somaliland Oo Ganaax Lacageed Ku Soo Rogtay Shirkadii Dalka Keentay Shidaalka Wasakhaysan

Xukuumada Somaliland Ayaa Go’aan ka Soo Saartay Shidaalkii Wasakhaysnaa ee dalka soo galay waxaana go’aan kaasi shalay si wada jir ah ugu dhawaaqay gudidii loo saaray soo baadhida cidii dalka soo galisay shidaal kaasi xun, waxaana ay sheegeen in markii baadhi taan la sameeyay ay xukuumadu ay ganaax lacageed ay ku riday shirkadii ka dan baysay in shidaal kaasi wasakhaysayn dalka soo galo.
Guddoomiyaha Haa’yada Dhawrista Tayada Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf Ayaa Ugu horay halkaasi ka akhriyay ganaaxa lacageed ee lagu soo rogay shirkadaasi dalka soo galisay shidaalka wasakhaysan isaga oo arintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi, “Markaanu aragnay arintaa shidaalku sida uu ku soo galay in ay ahayd khalad sidaasi darteed cidii keentay waxa ay mutay satay ganaax ganaaxaasi oo aanu ku salaynay ama aanu ku qiimay nay qiimo u qalma oo ah 7% sida uu xeerka haa’yada dhawristu uu dhigaayo qodobkiisa 39 aad ganaaxaasina waxa uu u dhigmaa lacag dhan 3%, hawshaa markii aanu eegnay ee aanu qiimay nay waxaanu ugu dhufunay 7% in aanu ganaaxno cidii shidaal kaasi keentay, taas oo u dhiganta 355,500 oo Dollar lacagtaasi oo ah ganaax lana soo marinaayo wasaaradda maaliyada, taasi oo aanu is leenahay waxay ka hortagaysaa in aanay arintaasi dib u dhicin” Ayaa yidhi Muuse Xasan Xaaji Yuusuf

COMMENTS
Latest News