Cabdilaahi Jawaan Oo Madaxweyne Muuse Ka Codsaday In La Soo Daayo…
May 13, 2018 - Written by admin

Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Xildiid, Marka Hore iga Gudoon Salaan, Marka Labaad Waxaan kula Socodsiinayaa: in Dani igu Qasabtay in aan Facebook Kuu Soo dhigo Talo aan kaalo maarmi waayey Mudo 4 Afar Bilood ah aan Codsanaayey in aan kula kulmo wayna ii Suuro gali weyday.

Waxaan Talo Ka Dhiibanayaa Rag Laga Xidhxidhay Degmada Axmed Dhagax Hadda Mudo dheerna Xabsigu Ku Xidhnaa Waana: Sheekh Aadan-Sunne iyo Dhalinyaro Raggaasi Waxay Xaq u Leeyihiin: Dambiga Lagu Xidhay ee Lagu Eedaynaayo Garsoorkeeda Maxkamada Wixii Loo haysto Lagu ooggo oo Lagu Caddeeyo ama Xoriyaddooda Loo Soo Celiyo oo La Siidaayo Laakiin Waa Tacadi Xad Dhaaf ah in Lagu Hayo Xabsi aan Xukun Lahayn Mudadaas Dheer.

Haddaba Madaxweyne Waxaan Odaynimo kuugu soo Jeedinayaa in aad Xabsiyeynta Xadhaafka ee aan Xukunka Lahayn aad kaga Siidayso Lahayonimada Xad-dhaafka ee ay ugu Jiraan Jeelka Adiga oo Adeegsanaaya Awoodaha Madaxweynenimo ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland Ku Siiyey Waxaan Kaa Sugayaa Go’aan aad Ku Galladan-Tahay Madaxweyne

By: Cabdillahi Cabdi Xaaji Cumar Jawaan.

COMMENTS
Latest News