XABSIYADA UGU WAAWAYN EE CIA DA MARKA LAGA REEBO MARAYKANKA WAXAY KU YAALIIN MUQDISHO IYO KAABUL. CIIDAMADA NABADSUGIDA SOMALIYA WAXA MUSHAHAR DHAN 200 DOLAR SIISA BISHII CIA MARAYKANKA. Qalinkii: Eng Mohamed Haibe Hersi
May 21, 2018 - Written by admin

 

Wariye maraykan ah oo wax ka qora arimaha amaanka ee dalkiisa, kana shaqeeya majalada la yidhaa the nation magazine lana yidhaahdo Jeremy Scahill ayaa sanadkan waxa uu booqasho ku tagay muqdisho. Waxa uu ku bilaabay hadalkiisii, markii aan ka dagay gegida diyaaradah ee muqdisho waxa ay indhahaygu ku dhaceen dhisme aad u wayn,oo gegida dhanka galbeed ka saran. Leh na minaarado dhaadheer oo ay ciidamo amisom ahi ku dul taagan yahiin , si aad ahna loo ilaalinaayo.
Dhismahan oo u eeg dhisme aan ku arkay Afganistan oo ay Cia du lahayd, ayaan markiiba aan fahmay in uu yahay xabsi ay Cia ku leedahay Muqdisho. Waxaan booqasho ku tagay xarunta nabadsugida somaliya, halkaas oo aan waraysi la yeeshay taliyaha nabadsugida oo marka aan qiyaasay lahayn aqoon badan. Waxaa uu macluumad badan iga siiyay in dadka ay soo qabtaan ciidanka somalidu ay Cia du ku waraysto god ku yaala daarta xarunta nabadsugida hoosteeda. xabsigaas oo ah meel aan daaqado lahayn, aad u nadaafad xun, kaneeco , baranbaro iyo jiir ay ka buuxaan. CIA dadka ay baadhayso waxay ku samaysaa jidh dil . Dadka maxaabiista ahna waxa loo sii gudbiyaa dalka kinya. Waxaan kaloo aan ogaaday in mushaharka ciidamada nabadsugida somalida ay bishii laba boqol oo dolar Cia du siiso , lacagtaas oo ah mid aad u yar oo quudhsi ah.
Dawlada somaliya oo xukunta labatan kilometer oo isku wareega , waxay ka jirtaa baraha bulshada , tifiyada iyo wargaysyada. Laakiin xaqiiqatan maha dawlad jirta oo dhulka ay sheegato xukunta. Dawlada xamar iyo shicibka somaliya kama tashadaan , qorshahana uguma jirto in ciidamadaa shisheeye ee dhul koodii la wareegay ay bedelaan, waxa kaliya oo ay isha ku hayaan waa in ay xaasidaan kana xumaadan horumarka Somaliland.
Maamulka la baxay Puntland u jeedada loo sameeyay waxay ahayd ka hortaga in Somaliland la aqoonsado. Meelahii ay xukumi jireen sida tuka raq , taleex haba yaraatee wax baahida asaasiga ah sida ceelal biyood, kama ay samaynin. Dagaalada ay iminka bilaabeena maha dagaalo diimeed ama somali jacayl, waxay salka ku hayaan iyaga oo ogaaday in aduunku somalland u soo jeestay.waxaanay u soo guntadeen in ay aqoonsiga iyo maalgashiga Somaliland hor istaagan.
Hadaba muwaadin kasta waxa ku waajiba isgarabtaaga ciidamada qaranka xag maalka iyo difaaca qaranka. Dawladuna waa in ay ciidamada dhaxanta, qarfaha taagan u kordhisaa mushaharka, xaasas koodana xaquuq gaar ah la siiyaa.
Wabilaahi tawfiiq
haibe2005@hotmail.com

COMMENTS
Latest News