Aniga iyo qurba joogtii reer Libya.
June 12, 2018 - Written by admin

 

Markii aan ogaday in qolyihii tahriibka laga soo celiyay la dajiyay Sun Hotel oo aan aad iiga fogayn ayaan jeclaystay in aan bal qaar kamida la kulmo, waxaan la fadhiistay Sadex kamida wiilasha waxa aanan waydiiyay su’aalo badan waxase ugu muhiimsanaa shantan.

1➡️ Maxaa kugu dhaliyay Tahriibka?

Marka aad aragto saxiibkaa oo shalay aad wada joogteen oo marba meel aad film uun ka daawan jirtay sawirkeeda kuusoo diraya waad hii kacaysaa, markaa dadku waa mid calool adayga oo taga iyo mid baqa oo niyad jab ku jooga.

2.➡️Dhibaatado naftaada soo gaadha tii kuugu darnayd ii sheeg?

Waxay iigu darnayd anagoo sadex cisho lugaynaynay oo aan afka wax saarin oo 9 qof oo Somali iyo 11 Ethopian ah kolba ka dhaca halkiisa lagusoo dhafayay aanu kaadidayadii naf moodnay, oo intaan anigu kaadiba iska wayay sxbkay aan baryay tiisii oo waliba isaguna uu iidiiday.

3.➡️Intaad qof dhibaato hayso arkaysay yaa kuugu xanuun badnaa?

Laba qof midi waxay ahayd gabadh, markii aanu sadex cisho saxaraha soo lugaynay intii dhimatayna dhimatay ayaa waxa na helay qolo Libyan ah oo gawaadhi nagu qaaday waxay nageeyeen meel qasabado biyo ah, waxay noodiideen inaanu cabno ilaa biyaha lanagu rushaynayo, hal gabadh ayaa maqli wayday oo biyihii isku qabatay anagoo arkayna ayay inantii naftu kabaxday oo biyuhu dadka way dooxaan hadii qofku sidaa u oomanyahay oo cabo.

Qofka labaadna wuxuu ahaa sxbkay oo intii aanu jeelasha liibiya ku xidhnayn xanuun darxumada ka dhashay ku dhacay oo isaga oo nool jidhka xawayaan ka galay meel walbana nabar noqotay dawo iyo rajo dhakhtarna aanay jirin.

4.➡️Maxaad masaajidada ugu baxsan waydeen?

Isaga oo ilmada isku celinaya ayaa wuxuu iigu jawaabay, imaamka masaajidku marka salaama calaykum layidhaa ee uu ku arko ayuu magafe kaa iibinayaa.

Islaanta ama odayga duqa ah markuu ku arko wiilkiisuu lahadlayaa oo odhanayaa soo carar nin madowbaan inoo arkee.

4.➡️ Intaad Libya joogtay ma aragtay qof aad istidhaa waa qof in’uun naxariisi ku jirto.

Dhamaan waxay si adag u yidhaahdeen May, Libya qof damiirkii adamaha lihiba ma joogo dadkana waxay ula dhaqmaan si aan xayaanka loola dhaqmin.

5.🔃Ugu danbayntii hadii maanta diyaarado la idinku qaado oo Europe la idin geeyo ma tagi lahaydeen.

Mayee walahi hadii 1million oo dollar la ii dhiibana maanta meel Somali joogto mooyee meelkale inaanan joogayn.

🏜 Wakhtigu waa macalinka aadamaha isagaa dadka wax walba bara isagaan dhalinyaradaa wadanku wuxuu yahay iyo jacaylkiisaba baray.

Ramadaan mubarak

@Abdirahim Midnimo

COMMENTS
Latest News