Sidee loo dhacay bangiga Abyssinia ee Itoobiya?
June 14, 2018 - Written by admin
Home  News

Sidee loo dhacay bangiga Abyssinia ee Itoobiya?

0
59
    

Anteneh iyo Raeda’i shalay fiidnimadi sida caadada u ahayd meel ayey ka buneynayeen. Gaarigi ay wateen ayaa waxaa ku dhacay gaari Toyota Vitz ah, ka dibna wuxuu gaadhigi shilka geystay isku dayay inuu baxsado.

Labadi nin ee gaadhigii ay wateen la jiidhay waxay isku dayeen iney gaadhiga joojiyaan, balse uma aanay suuragelin.

Gaadhigi shilka geystay ee isku dayayey inuu baxsado ayaa cillad soo gaadhay awgeed 50 mitir markuu socday uu damay, dabadeedna wuu istaagay.

Darawalki waday gaadhiga shilka geystay iyo nin la saarnaaba gaadhiga ayay degdeg uga soo dageen, cagaha ayeyna wax ka dayeen.

Anteneh oo ka mid ah raggi shilka loo geystay ayaa wuxuu yidhi “darawalka gaadhiga inaan gaadho waxaa iiga dhinnayd wax ka yar shan tallaabo, dadkii goobta ka ag dhawaana waxay ku dhawaaqayeen ‘qabo qabo’ ”.

Gaadhiga albaabkiisa dambe ayaa waxaa ka soo baxay nin jaakad madow xidhan, oo gacantana ku sitaa toorrey.

Dadkii meesha ka ag dhawaa ayaa ninki middida ka riday oo meesha ku garaacay ilaa uu miir doorsoomo

“Ragga cararaya iney shilka ay geysteen ka cararayaan un baan u heystaye rag bangi soo dhacay ma moodeyn. Gaadhiga shilka geystay markii la baadhay waxaa lagu arkay ay lacag badan” ayuu yiri Anteneh.

Madaxa xiriirka dadweynaha ee Booliska maamulka Addis Ababa, gaashaanle Fasika Fenta, wuxuu sheegay in fiidnimadii bangiga Abyssinia faraciisa xaafadda Bole-tele laga dhacay 5,600, 656 birr.

Dhaca bangiga aya la sheegay in lagu tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin qaar ka mid ah dadka bangiga ka shaqeeya, booliskuna waxay sheegeen iney baaritaan wadaan, natiijadana ay xaqiijin doonaan.

Madaxa waaxda isgaarsiinta bangiga Abyssinia Aschalew Tamiru ayaa wuxuu BBC-da u sheegay iney ragga dhaca geystay ahaayeen rag isa soo abaabulay, laakin lacagti bangiga ay ka dhaceen kulligeed la soo celiyey.

Maantana waxaa gacanta lagu dhigay shaqsiyaad kale oo looga shakiyey iney ku lug leeyihiin falkan, iyada oo bangiga dhaca loo geystayna uu howl maalmeedkiisa si caadi ah u wato.

COMMENTS
Latest News