Ergooyin Ku Sii Qulqulaya Daminta Colaada Ceel Afweyn
July 8, 2018 - Written by admin

Wafti balaadhan oo ka kooban Labeenta Bulshadda Somaliland ayaa ku sii qulqulaya Degmada Ceel Afweyn oo mar kale uu dagaal dad ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen uu ku dhex maray laba beelood oo halkaasi wada dega.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa ka anbabaxay Magaaladda Hargeysa waxaanay ku sii jeedaan Degmada Ceel Afweyn.

Wasiirka iyo waftigiisa ayaa ujeedada socdaalkoodu ay tahay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Labada Beelood ee Walaalaha ee ay dirirtu Deegaankaasi Ku Dhex Martay.

Sidoo kale Ergooyin isugu jira Madax dhaqameed, Culimaa’udiin, Aqoonyahan iyo dhalinyaro ayaa iyaguna ka kala tagay Magaalooyinka Somaliland, kuwaas oo ku sii jeeda Degmada Ceel Afweyn, halkaas oo la damacsan yahay in wada jir looga dhaliyo nabad galyo.

Si kastaba ha ahaatee Ergooyinka kala duwan ee ka kala tagay Magaalooyinka Somaliland ayaa isu xil qaamay sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen beelaha walaalaha ee ay inta badan dhex taalay colaadu.

COMMENTS
Latest News