Sucuudiga oo war kasoo saaray xoolihii dhawaan uu soo celiyay
August 12, 2018 - Written by admin

SN-Dowladda Sucuudiga ayaa war kasoo saartay dhawaan xoolo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Sucuudiga.Wasaraadda deegaanka, dhirta iyo biyaha ee Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in baaritaanno ay sameeyeen looga helay arigan, xanuunka xoolaha ku dhaca ee (Rif Valley Fever RVF) lagu magacaabo.Xoolihii Sucuudiga laga soo celiyay ayaa tiradoodu waxa ay dhameed 27,000 oo neef, waxaana la keenay dekadda Boosaaso ee Puntland.Hoos ka akhriso warqadda Sucuudigu soo saaray.

COMMENTS
Latest News