Xuquuqda Haweenka iyo xaquuqda Caruurtooda iyama gar leh ??? By:Barkhad-Ladiif M. Cumar
August 17, 2018 - Written by admin

Sida la wada ogyahay  waxa khaatiyaan laga taagan yahay caruur yaryar da’doodu u dhexeyso 16 jir illaa 22 jir oo habeenkii dadka dhaca ama baadhanaya, kuwaas oo Mobile-ada, lap-topyadda ay dadku sitaan ka dhaca. Qaarkoodna ka sii dalaceen oo Baabuurta si farsamaysan u xadaya.

Waa dhacdooyinka inagu cusub oo caruurtan yaryar ee wali aan dhamaysan waxbarashadoodii habeenna aan gaajoon ay ku kacaan kuna dhibaan dadka dariiqyadda maraya.

Xaafadaha qaar way adagtahay in aad fiidka dhex marto, mar kasta oo la xidho waxa daba socda waa hooyooyin diidan in la ciqaabo caruurtooda, kuwaas oo inta badan ku doodda inuu gurigu imika  ka soo baxay iyo masaajidka uu kaga maqnaa mana oga waxay caruurtooddu ku maqan yihiin.

Arrintaasi waa dayacaad ka yimid xaga waalidka oo aanu waalidku ogayn halka uu ilmihiisu ku maqan yahay iyo waxa uu ku maqan yahay.

Dhinaca kale, waxaynu aragnaa dumar u doodda xaquuqda dumarka ee dhanka siyaasadda, kuwaas oo habeen iyo maalinba gurigoodda iyo caruurtoodda kaga mashquulay arrimo siyaasadeed iyo xuquuq dumar oo la raadinayo.

Xuquuqda dumarka ilaahay baa siiyey, haseyeeshee siyaasadda reer  galbeedka ayey tahay inay dumarku dibadda usoo baxaan oo ay raadsadaan xaquuq ka maqan, sidii dumarka guryaha looga soo saari lahaa waa mid aad looga fikirey oo  qorshe iyo wakhti badan la galiyey.

Xuquuqdaasi la raadinaya waa mid siyaasadeed oo u badan inay xilalka kala duwan helaan dumarku, waxaase cidiba is waydiin dumarka dibada loo soo saaray ee gabay waajibkii caruurtu ku lahaa in laga hadlo oo xeer laga soo saaro hooyaddii dayacda ubadkeedda inuu xeer qabto.

Xaquuqdan la raadinayo waxa inoo soo waariday waa Reer galbeedka, haseyeeshee iyagu waxay ka leeyihiin xeer waalidkii dayaca ubadkiisa lagu qaadayo oo in badana waynu maqalnay hooyo soomaaliyeed oo caruurtii laga qaaday, sabab kalena maaha, waa markii lagu arkay inay dayacan yihiin, waxaana masuuliyadeeda caruurta qaadaysa dawladda, laakin inagu ma lihin dawlad caruurta dayacan masuuliyadeeda qaada.

Bal u fiirso tusaalahan, dumarka ka shaqeeya  NGO-yadda gudaha iyo kuwo caalamiga ahba waxa lagu tobabaraa inay  u doodaan xuquuqda haweenka waxay intoodda badan ubadkoodda ka maqan yihiin sideed saacadood, waxaana laga yaabaa mararka qaarkoodna inay fiidka shirar kale iyo wada sheekaysi asxaabteeda saacado badan kaga maqnaato gurigeedda, halkaasi waxa ku dayacmay ubadkeedii oo waxay gabtay xuquuqdii korintaanka, xuquuqdii u sheekeynta iyo ka war haynta ubadkeeda iyo xuquuqda dhismaha caqliga caruurta iyo ababinta naxariista waalidnimo.

Mar hadii hooyadii gurigii ka maqan tahay oo shaqooyin dibadda ah ku maqan yahay waxa meesha ka baxday kaalintii caruurtooda u qaban lahaayeen , Inta badan caruurta waxa haya oo loo qabtaa dumar shaqaale ah, kuwaas oo marka ay dhashaan illaa inta ay ka qaangaadhayaan kaalintii hooyonimo u buuxiya.

Dumarkaasi shaqaalaha ahi waxay caruurtaasi u qabtaan inay ilmaha ka shaqeeyaan oo koriyaan, cuntadiisa iyo dugsi geyntiisa ka ka war hayaan, naftiisa iyo nadaafadiisana ka shaqeeyaan, maadaama oo hooyaddii shaqooyin badan hayaan oo marna dibadda ku maqan yihiin marna hoteelada ay asxaabteedda kula cawaynayso si ay nasasho u dareento.

Waxaad is waydiisa hooyada caruurteeda qof shaqaale ah ku aamintay ee xaquuq dumar waaweyn u raadinaya ee  tii ku waajibka ahaydna dayacday miyeyna noqonayn maahmaahdii ahayd kuwa adhiga lagala quustaa geella loo diraa.

Mustaqbalka waxaynu sugna caruur aan arag kaalintii hooyonimo, naxariistii hooyonimo ka war haynti hooyonimo iyo koolkoolintii  caruurta, bal qiimee hooyada  sideeda saacadood ka maqan ee  siddii lixda subaxnimo uga baxdo shanta galabnimo soo galaysa lagana yaaba inay fiidkana shaqooyinkii u hadhsanaa sii diyaarinaysa ka dibna iyadoo daalan seexanaysa goormay caruurteedda xaaladooda ka war hayn, goormay duruustoodda eegi, goormay la sheekaysani caruurtoodda, halkaasi waxa ku soo baxaysa inay caruurto ku dayacan yihiin.

In la helo xuquuqda caruurtaa waalidkii dhalay dayaceen oo qaranku u doodaa waa muhiim, waxaad arkaysa nin xaaskiisa kula diriraya aniga wax walba ku siinaya ee ee guriga inoo joog oo caruurta inooga war hay ay iyaduna ku doodayso qof wax bartaan baan ahay guri joogna ma noqon karo, taasina ay keenayso furitaanka iyo in xaasask kala tagaan.

Dumarku waa inay gurigoodda boqoro ka noqdaan oo raggu usoo shaqeeyaan, waxa dibadda u saari kara uun waa marka duruuf ku kalifto, balse hadii ninkeedu u shaqaynayo uma baahna inay iyaduna xoogsi tagto ee waa inay gurigooda iyo caruurteeda ku koobnaato, caruurta ka muhiimsan in lacag la helo, aqlaaqda caruurta guriga lagu dhisaa.

COMMENTS
Latest News