Buugga Afdhaab oo lagu soo bandhigay daraasad aan horay loo samayn
August 18, 2018 - Written by admin

Bandhigga buugaagta ee Muqdisho waxaa lagu soo bandhigay buug cusub oo lagu magacaabo Afdhaab kaasoo lagu soo uruuriyey daraasad muddo ka badan 20 sano lagu sameynayay Af SoomaaligaQoraa Soomaaliyeed oo horay uga soo howl galay warbaahinta Soomaaliya ee beri samaadkii ayaa buuggiisan ku soo bandhigaymacluumaad kala duwan oo ku saabsan Afka Soomaaliga iyo waxyaabaha kale ee khuseeya bulshada.Cismaan Cabdinuur Xaashi ayaa BCC-da u sheegay in uu buuggaan ku qoray daraasadofara badan oo aan horay loo qorin kuwaasoouu ka sameeyay Afka Soomaaliga, uuna ku howlanaa muddo 23 sano ah.Isagoo Muqdisho jooga ayaa wareysi ay la yeelatay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da wuxuu sharraxaad uga bixiyay arrimaha uu buuggiisa diiradda ku saaray, waxaana uu sheegay in luqadda Soomaaliga ay leedahay waxyaabo aysan lahayn luuqadaha kale ee caalamka.”Daraasadaha aan 23-ka sano uruurinayay ee buuggan ku jira waxay muujinayaan hodannimada afkeenna ee xagga naxwaha iyo erayadaba, waxaa kale oo ku jira arrimaha nolosha oo dhan sida; dhirta, xoolaha, badda, beeraha, dhaqanka, dhalashada, qoyska, magacyada kala duwan ee ay soomaalida isticmaasho. Wax walba way ku idil yihiin buuggan”. Ayuu yiri Cismaan.Arrimaha uu qoraaga kaga hadlayo buugga ayaa intooda badan ah kuwo aysan horay bulshada ugu baraarugsanaan jirin.Wax yaabaha ugu yaabka badan ee uu ogaaday intiiuu daraasadaha ku sameynayay Afka Soomaaliga ayuu ku sheegay in ay ahaayeen habka isticmaalka erayada.”Waxaa ka mid ah sida ay bulshooyinka ugu kala dhawaaqaan erayada qaar sida kuwa ku dhammaada ‘DH’ iyo’R’ oo ay isku qasaan balse ay saxan tahay in lagu dhammeeyo’DH’sida Gadh, Badhi, Badh, Gaadhi” ayuu yiri.Waxyaabaha kale ee xiisaha leh ee uu Cismaan Cabdinuur Xaashi daraasaddiisa ku helay waxaa ka mid ah in luuqadda Soomaaliga ay tahay mid leh erayo badan oo xarafka ay ku dhammaadaan uu ka sii billowdo eray kale oo isla kaas la micno ah.Kuwaas waxaa ka mid ah ‘Awr’ oo ku dhammaada ‘r’ waxaa isla xarafkaas ugu dambeeya kasii billowda ‘Rati’ oo isla micnihiieraygi ama magicii hore ah.Bandhigga buugaagta ee Muqdisho ayaa daaha looga rogay buugaag kale oo waxtar u leh bulshada isla markaana dadkii madashajoogay ay aad u iibsanayeen.

COMMENTS
Latest News