Jabhaddaynta WADDNI waa Fashil Siyaasadeed
August 28, 2018 - Written by admin
 
 
Ka dib guuldarradii siyaasadeed iyo jabkii soo food saaray hogaankii socod baradka ahaa ee WADDANI, doorashadii dalka ka qabsoontay 2017 waxa is baddalay yoolkii iyo haddafkii siyaasadeed ee xisbiga. Waxaa iskaashi siyaasadeed oo anshaxa qarannimo ka baxsan lagu mataaneeyay beeshii gudoomiyaha iyo xisbigii qarrankee WADDANI. Waxaa muddo yar ka dib bilaabmay abaabulka shir beelleed xisbigu daaha dabadiisa ka haggayay.  Waxaa kasoo baxay go’aamo iyo awaamiir aan ahayn kuwii shirbeeleedadii ka horeeyay looga bartay.
 
Tusaale ahaan labada qodob ee hoos ku xusani waxay bud-dhig iyo musdanbeed u ahaan jireen go’aammaddii iyo mabaadiidii maslaxadda qaranka ku suntanaa ee kasoo bixi jiray shirarkii beelaha Somaliland qabsan jireen muddadii ay Jamauuriyada Somaliland jirtay, marka laga reebo shirkii Buurta Gacan Libaax uga qabsoomay xisbiga WADDANI oo isagu ka dhashay guuldaraddii xisbigaa iyo sad bursi tuhun iyo malle-awaal ku salaysan oo beesha gudoomiyihii guuldaraystay ku tilmaantay inay tirsanayso. Labadaa qodob waxay kala ahayiin:
 
1 > Beeshu Waxay Taageersan tahay Midnimadda, Madaxbanaanidda iyo Gooni isku taaga Jamhuuriyadda Somaliland?
 2 > Beeshu waxay diyaar u tahay nabad kula noolaashaha, walaatinimadda iyo Derisnimadda Guud ahaan beelaha kale ee Somaliland?
 
Labaddan qodob sidaan sare kusoo sheegay kumay jirin war-murityeedkii ka soo baxay shirkii Buurta Gacan Libaax. Waxaana loo sababeeyay wax lagu sheegay Sad-Bursi iyo saami qaybsi dhan ka raran balse la odhan karo waxa lagu saleeyay shax malle-awaal ah oo qiil loogu doonayay mucaaradnimada beelaysan iyo jabhada xisbigu u aassaastay kasoo horjeedka jiritaanka, midnimada, wadda noolaanshaha, walaaltinimada, derisnimada iyo madaxbanaanida Somaliland oo falalkeedii u danbeeyay aad halkan ka dheehan karto http://garadagnews.net/warar/daawo-sawirro-jabhada-taliye-caare-oo-gaadhigi-gurmadka-caafimaadka-degmada-xiis-dhexda-uu-gashay-oo-afduubay-iyo-tageerayaasha-xisbiga-waddani-oo-ka-dhex-muuqday-jabhadaasi/.
 
Waxaa ku cad shaxdan hoose in tabashada beesha (ee xisbigu hagayay) ee saami qaybsigu tahay yool habaabin maadaama mansabyadda ay beeshu ka heshay dawlada cusub ay ugu yaraan u dhigmaan kuna sargo’anyihiin xilalkii ay ka heshay xukuumaddii Maddaxweyne Siilaanyo, Daahir Riyaale iyo Cigaal ba. Xilalkaasoo kal ah:
1. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Maaliyada — Ciidagale
2. Yuusuf Mire Maxamed Boos Wasaarada Ciyaaraha — Habar Yoonis
3. Shugri Baandaare Wasiirka Deeganka —- Cali Siciid / Habaryoonis
4. Dr Xassan Ismaciil Yuusuf Warsame Wasiirka Caafimaadka — Habaryoonis
 
Wasiir Ku Xigeenada
1. Maxamed Muuse Abeys Wasiir ku xigeenka Warfaafinta — Ciidagale
2. Cabdiqaadir Dhego weyn Wasiir ku xigeenka waxbarashada — Ciidagale
 
Xilalka Qaran ee kalee
1. Gudoomiyaha bankiga Somaliland
2. Gudoomiyayaashaa labada xisbi qaran
3. Gudoomiyhii golaha wakiilada 12 sanee tagay
 
Xilalka agaasimayaasha guud, agaasime waaxeedyadda, taliska ciidanka, ka booliska, iyo ku xigeenada kaga soo haggaagay beesha waxa lagu qiyaasaa tiro ka baddan dhawr iyo sodon (35+). Intaa waxaa dheer shaqaalaha hoose ee wasaaradaha iyo hay’addaha aan dawliga ahayn ka hawl gala oo si dheeli tiran ay beeshu uga muuqato. Waxaa marrag madoon ah, inaan saamiga beelaha kalee lagu raad gadanayaa waxba ka duwanayn kay beel waliba ka heshay dawladii horee Maddaxweyne Ahmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo. 
 
 
Haddaba si’aad u fahanto halkay salka ku hayso tabashada saami qaybsigu waxa haboon in aynu milicsano go’aammaddii shirka buurta gacan libaax kasoo baxay. Waxaan hoos tusaale ahaan idiin soo dhigay, is bar bar dhig diirada saaraya, sadex ka mida shirarkii beelaha qaar uga qabsoomay Somaliland iyo mabbaadiiddii kasoo baxay, waxay ku kala duwan yihiin iyo mid waliba halkuu ka taagnaa qarannimmadda iyo jiritaanka Somaliland.
 

Go’aammaddii shirkii beesha Garxajis Gacan-Libaax 1 July, 2018

Go’aammaddii shirkii beesha Habar Jeclo Gar-adag, 17 August 2008

Go’aammaddii shirkii beesha Subeer Awal Agabar, 26 September 2013

1- Shirweynaha beelaha Garxajis ee Tolwanaaje-2,waxa uu cadaynayaa in si buuxda la iskula qaatay midnimada Garxajis

1- Shirku waxa uu si buuxda u taageersan yahay una aaminsan yahay ilaalinta jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxana uu beesha caalamka, ururrada Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururuka IGAD ugu baaqayaa qadarinta iyo aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland.

Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu si buuxda u garab-taagan yahay jiritaanka dawladda Somaliland,

2- Beel weynta Garxajis waxay Caddaymo buuxa u haysaa in Madaxda sare ee Dawladda iyo Dhamaan Qaab dhismeedka Dawlada ee Madaxweynuhu soo dhisay markii la doortay sida Golaha Wasiiradda, Agaasimeyaasha guud, Agaasime waaxeedyada, Madaxda Hay’addaha Madaxa bannaan, hogaamada Ciidamada kala duwan iyo saraakiisha Ciidamada iyo dhamaan Shaqaalaha Dawlada 65% ay kasoo jeedaan ama ka tirsan yihiin beelaha isku bahaystay xaqdarada, taasi oo ah xaalad aan u cuntami Karin beel-waynta garxajis iyo Beelaha Kale, ee Reer Somaliland midna, sidaa awgeed waxaanu soo jeedinaynaa in si deg deg ah oo aan daahid lahayn loo saxo loona badelo cadaalad daradaasi oo ah mid aanay Somaliland Kusii jiri Karin.

2- Shirku waxa uu garwaaqsan yahay, aaminsan yahay ilaalinta nabadgalyada Somaliland in ay muhiim tahay.

 

Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu taageero buuxda siinayaa halganka ka midho-dhalinta ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland,

3– Beel weynta Garxajis waxay ku heshiisay inay talo kulan noqoto dhamaan beelaha Somaliland si loo gaadho ama loo helo Somaliland lawada leeyahay.

 

3- Shirku waxa uu beelaha Somaliland ku wada dhaqan ugu baaqayaa ilaalinta nabada Iyo nabad-kuwada-noolaanshaha iyo sidoo kale daris-wanaag in lagu wada noolaado.

 

Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu taageero buuxda siinayaa hoggaanka dawladnimo iyo hab-raaca nidaamka doorashooyinka ee uu ku qotomo dhismaha Qaranka Somaliland,

4– Beel weynta Garxajis waxaa u cadaatay in Khayraadkii dalka,Maalgashigii dibada,kaalmooyinkii Caalamiga ah iyo dhamaan Qandaraasyadii Qaranka aan loo sinayn si gaar ahna loogu xidhay dad gaar ah,taasi oo aan waafaqsanayn Dastuurka Dalka,abuurtayna kala sarayn Dhaqaale iyo in hantidii dalka gacanta loo galiyay dad gaar ah.

 

4- Shirku waxa uu dalalka deriska ah ugu baqayaa nabad-kuwada-noolaanshaha oo uu aaminsan yahay inay qayb ka tahay daris-wanaagga

 

Shirweynaha beelaha Sacad Muuse waxa saldhig u ah adkaynta nabadgelyada,

5– Shir weynaha Beelaha Garxajis wuxuu Madaxweynaha usoo jeedinayaa,Kuna adkaynayaa in Dastuurka Qaranka la furo si beelaha Darafyada Somaliland ee Cabashadoodu inta badan soo noq noqotay iyo kuwa kaleba ay Xuquuqdooda dastuuriga ah ay uhelaan,awooda Hogaaminta dalkana loogu sinaado.

 

5- Shirku waxa uu cambaaraynayaa dhammaanba falalka argagixiso, afduub, jidh-dil iyo dhammaanba xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo dhan cid kasta oo ku kacda.

 

Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu ku baaqayaa in wixii khilaafaad ah ee dalka ka jira lagu dhammeeyo wadahadal iyo is afgarad,

6– Waxaa cad inay isku milmeen saddexdii waaxood ee qaab dhismeedka Qaranku lahaa,sida waaxda Fulinta,Sharci dejinta iyo Garsoorka sidaa awgeed Beelwaynta Garxajis waxay ku baaqaysaa in dib loogu soo noqdo ku dhaqanka Dastuurka dalka,Saddexda Waaxoodna kala madax bannaanaadaan.

 

6- Shirku waxa uu meel-kadhac u arkaa dhammaanba xadgudubyada lagu hayo suuqa xoolaha Somaliland oo dastuurku ka dhigayo mid madaxbannaan, sidaa daraadeedna waxa uu xukuumadda Somaliland u soo jeedinayaa inay faraha kala baxdo suuqa xoolaha oo lafdhabar u ah hannaanka dhaqan-dhaqaale ee dalka

 

Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu xoojinayaa walaalnimada, wada noolaanshaha iyo is dhexgalka dhammaan beelaha Somaliland ee walaalaha ah, gaar ahaan kuwa ood-wadaagta ah,

7- Beesha Garxajis waxaa ay dhiigeeda iyo dhuuxeedau shubtey jiritaanka iyo madax banaaninada Somaliland , si loo helo dal la wada leeyahay, iyadoo tiro ka badan toban kun oo Geesiyaal ah ku wayday tiro kale oo intaasi kabadan ay kaga naafoobeen, sidaas awgeed waxa ay beesha Garxajis digniin culus u direysaa cid kasta oo Madaxda Qaranka ka tirsan oo Beeshani ku eedaysa qaran dumis.

 

7- Shirku waxa uu walaac weyn ka qabaa nidaamka diiwaan-gelinta doorashooyinka soo socda, gaar ahaan qodobadda odhanaya; ” Codbixiyuhu waxa uu ka codayn karaa oo keli ah Goobta uu ka codbixiyay,” waxaanuna codsanaynaa in wax laga beddelo qodobkaas.

 

Shirweynaha beelaha Sacad Muuse wuxuu soo jeedinayaa in da’yarta iyagu iska leh mustaqbalka waddanka ay ka waantoobaan halaagga Tahriibka,

8- Bulshada reer Somaliland ee Nabada jeceli waxay Markhaati ka yihiin in dagaalka labada sanno ka socdey deeganka Ceel Afweyn illaa haddan socda ee u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah , aaney dhex ka aheyn Dawlada Somaliland ee maanta jirta iyo tii ka horaysay, sidaa darteed beel waynta Garxajis Waxay baaq u diraysaa labada Beelood ee dirirtu ka dhexayso ee walaalaha ah,iyaga oo leh caqligiinu ha garto dhibaatada Guryihiinna taala,Madaxweynahana waxaanu ku adkaynaynaa inuu ku dhiirado soo afjarista,si deg deg ah,Colaadaasi,isagoo adeegsanaya Awooda dawladnimo iyo Cadaaladeed iyo inuu wax ka qabto dambiilayaasha dagaalkaasi hurinaya ee iskugu jira Gacan ku dhiiglayaal iyo siyaasiyiinta Xukuumaddiisa ka tirsan si ay u fududaato in la iskugu yimaado wada hadal nabadeed,xalna loo gaadho,loogana badbaado inuu dagaalkaasi deegaamo kale oo nabad ah ku fido” ayaa lagu soo koobay war murtiyeedka Shirkaasi kasoo baxay.

 

8- Shirku waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa in ay waxa ka qabato lacagta giinbaarta ee laga qaato gobollada bariga Somaliland, kuwaas oo isugu jira kuwo been-abuur ah iyo lacagtii Soomaaliya ee gabowday.

 

Shirweynuhu soo jeedinayaa in arrinta Ceelbardaale lagu dhammeeyo wadahadal, nabadgelyo iyo sifo sharci ah,

 
 
Go’aammadani waxay caddaynayaan in aanu  shirkani ahayn shir beelleed ka turjumaya dannaha beesha, degaamadeeda, horumarinta kaabayaasha nolosha, wax qabadka dawlada iyo wixii la mida balse uu ahaa shir xisbi iyo mabbaadii siyaasadaysan oo ka fikir duwan kuwii shirbeelleed yadii hore kasoo bixi jiray (adba ila eegoo is ku miisaan). Qodobkiisa koowaad wuxuu si caadifadaysan u daadafaynayaa jiritaanka Somaliland waxaanu ka hor immanayaa qaranimada isagoo waynaynaya inay muqaddastahay midnimmadda beeshu. Qodobkani wuxuu gogol xaadh iyo saadaal rumowday u yahay jabhadda uu xisbiga iyo beesha lamaani samaysteen. Qodobaddan baddankoodu waxay isugu jiraan ammar, hanjabaad, inkiraad nataiijadii doorashadii 2017, goodi iyo cagga juglayn ka baxsan soo jeedintii iyo talo waddaagii shirarkii hore beelaha Somaliland u qabsoomi jiray.
 
Waxa kalooy go’aamaddii iyo awaamiirtii shirkan kasoo baxay ka aradnaayeen anshaxa nabadda iyo wadda noolaanshaha, dhawrida ammaanka, wadda jirka iyo is dhex galka beelaha. Waxa eedo iyo dhaliilo malle-awaale lagu beegsaday beello lagu eedeeyay inay 65% shaqaalaha dawlada isku ekaysiiyeen.  Siyaasiyiin, Salaadiin, Cuqaal iyo waxa garadba waxa cod ka gacan taag  ah lagu ansixiyay kala sooca bulshada. Haldoorkii cod ka gacanta taaga ah shirka ku guubaabinayay waxaa ka mid ahaa Cabdirahman Maxamed Cabdilahi Cirro, Buubaa, Siciid Sulub iyo hormuudkii Musdanbeedka Xisbiga WADANI. Ka sakaw nacaybka iyo kala sooca bulshada, waxaa ka muuqda qodobada qaar siiba ka 8aad qayra masuulnimo laga dhadhansan karo in halkii maare loogu daydayi lahaa collaada labadan beelood ee walaalaha ah ee Ceel Afwayn wadda dagga,  la doonayay inay dhibtoodu sii riiq dheeraato. Waxaa qodobkaasi si xaqiiqada ka fog meesha uga saaray in, inbaddan dowladan iyo tii ka horaysayba isku dayday sidii loo soo afjari lahaa collaada labada beelood ee walaalaha.
 
 
Waxaan muran ka taagnayn in aasaasayaasha Jabhadda Caare ay hormuud ka yihiin Siyaasiga, Salaadiinta, Cuqaasha, Xildhibaanadda iyo wax garadka ay hor kacayaan siyaasi Buubaa, Ciro, Siciid Sulub iyo labeentii musdanbeedka xisibiga WADDANI. Waxaa ayaan daarro ah in shaqsiyaadkii 27 kaa sanee Somaliland jirtay manaafacaad sanayay dheefteeda ay maanta ka middaysan yihiin una tafaxayteen dibbin daabyada dalkan iyagoo garabsanaya caddawga Jammuuriyadda Somaliland. Waxaan caqliga fayaw ee dadka samaha iyo wanaaga jecel ka dhaadhici-la in xisbiga WADDANI iyo beeshu isku qanciyaan kuna midoobaan ficilada kalla fogaynaya bulshada. Waa kallamaan iyo kaaf iyo kalladheeri in siyaasiga WADDANI uu ula kac ugu heegganaado burburinta qaranka 27 ka sano la yab yabayay marka uu dantiisa gaarka ah ka arki waayo, isagoo mucaaradnimo iyo tabasho malle-waalla dhufays ka dhiganaya. 
 
 
Waxa mudo dheer raadkii iyo riiqdii ay ka tagtay la dhayayay bulshaddanna la ilawsiinayay collaadihii ay hor kacayeen siyaasi Buubaa, Jaamac Yare iyo Ina Mire. Waxaa lagu guulaystay muddadii uu xilka hayay AHN Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo Daahir Riyaale Kaahin in loo gudbo dawladnimo ku dhisan asxaab oo qofku ciduu doono dooran karo isna la dooran karo waana ta keentay in isla beesha garxajis hormuud ka noqoto hogaanka laba xisbi qaran iyo golaha baarlmaanka muddo 12 sanood ah. Waxaa halkii ay labaddaa Maddaxweynee hore, kaga tageen kasii ambaqaaday Maddaxweyne Ahmed Maxamed Maxamoud Siilaanyo oo isna markii muddo xilleedkiisii dhamaaday hogaanka ku wareejiyay Maddaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo kusoo baxay 80,000 oo cod oo uu dheeraaday dhigiiisii la tartamayay Cabdirahman Maxamed Cabdilahi Cirro. Nasiib darrose sidii looga bartay hoggaamiyaashii hore ugu tartamay jaggadda madaxweynaha (Sida, Silaanyo 2003, Riyaale 2010) oo markay guuldaraysteen garwaaqsaday najiitadii komishanka qaranku ansixiyay, Guddoomiye Cabdirahman Maxamed Cabdilahi Cirro wuxuu isagu doorbiday inuu olole dhagaraysan oo dhiig ku daatay ku baaqo. Wuxuu qaadacay doorashadii, wuxuu ku dhawaaqay in la boobay. Wuxuu ku qanciyay taageerayaashii xisbigiisa inaanay aqbalin doorashadii 2017. Wuxuu Gudoomiye Ciro lix bilood doorashada ka dib socod ku maray gobolada dalka oo dhan isagoo wali ku guubaabinayay taageeriyaashii xisbiga WADDANI in aanay doorasho xor ahi Somaliland ka dhicin dawladuna aanay mid xalaal ah ahayn. Wuxuu naxligii, kala fogayntii iyo isku dirkii bulshada ula safray Europe oo muddo laba bilood ah uu haddana halkaa ka wadday kala qaybintii bulshada iyo kala soocii caadifadaysnaa, kaasoo aakhirkiina biyo dhigtay buurta gacan libaax. Qaybinta, qoqobka, kala fogaynta, kala sooca, jabhaddaynta WADDANI iyo siyaasiga beeshu ka middaysan yihiin noqon mayso wax Somaliland inteeda kale lagu cabsi galiyo. Qori caarraddiina lagu helimaayo wixii cod lagu waayaye halla tix galiyo nabbadda iyo waddanoolaanshaha bulshada walaalayaal.
 
Cabdilahi Cali Ibrahim

COMMENTS
Latest News