Horumarka Ay Gaadhay Jaamacada Hargeisa Saddexdii Sano ee u Danbeeyay Qalinjabintaydii Jaamacada Hargeisa Laba Sano Kahor
September 16, 2018 - Written by admin

Horumarka Ay Gaadhay Jaamacada Hargeisa Saddexdii Sano ee u Danbeeyay
Qalinjabintaydii Jaamacada Hargeisa Laba Sano Kahor Maanta oo kale 04/09/2016 Alhamdulilah

Waxay ahayd sannadkii 2012 Dhamaadkiisii markii aan ka mid noqday ardayda wax ka barata Jaamacada Hargeisa (UOH), wakhtigaas oo aan ahaa fasalka koowaad ee Jaamacada Hargeisa ama Freshka loo yaqaano. Sannad waliba waayihiisa lehe, waxa aan waxyar ka milicsan doonnaa mahadhooyinkii taariikhiga ahaa iyo waxyaabaha xusuus qorka ah ee aan ka xusuusto mudadii aan Jaamacada Hargeisa Wax ka Baranaayay. Jaamacada Hargeisa (UOH),waxa ay ku Taalaa goob waxbarashada aad ugu haboon, waxa ay leedahay dayr ama xayndaab aad u weyn, waxa ay ku fadhidaa dhul aad balaadhan, oo ay ka dhex samaysan yihiin Dhismo Fara badan oo kuliyadaha jaamacadu wax ku bartaan ka kooban, waxa kale oo ay Jaamacada Hargeisi caan ku tahay dhirta,qurxoon ee faraha badan ee ku dhex yaala, marka aad gasho albaabka Jaamacada Hargeisa waxa aad si fiican u daawanaysaa dhammaan Dhismayaasha quruxda badan ee ay ka kooban tahay Jaamacada Hargeisi.
Muddo Laba sano iyo Badh ah ayaan Gudoomiye kasoo ahaa Fasaladii aan dhigan jirey. Waxaan markhaati ka ahay Ardeydaa aanu wax soo wada baranay dedaalkooda, iyo akhlaaqdooduba iney aad u saraysay. Muddadaas Laba sano iyo Badhka ah ardeydii aanu isku fasalka ahayn si wanaagsan ayaanu usoo wada shaqaynay.
Markii aannu soo galnay Sanadkii saddexaad (Junior) ayaa waxa uu aad uga duwanaa marka loo eego labadii sanno ee hore, sababta oo ah waxa ardaydii loo kala saaray laba qaybood oo kala ahaa Management iyo Accounting, labadan qaybood ee labada magac kala sita ayaa waxa u dhexeeya kala duwanaansho xaga maadooyinka ah marka laga reebo xiisadaha qaarkood oo ay ka sinaayeen, kala qaybintan ayaa waxa ay hormood ka noqotay in ay ardaydii isku soo fasalka ahaa markii hore ay
badankoodu noqdaan kala galaas.
Dhammaan ardaydu markan waa wajiyo cusub, waxa is badalay asxaabtii aannu labo sanno isku kursiga ahayn, xataa aan isku fasalka ahayn, wallow Jaamacada uun aannu wada dhiganaynay oo la is waji yaqaanay, haddana asxaabta cusub laftooda aad la iskuma garanayno inyar oo nasiibku isku soo celiyay mooyee. Maalmahaas kadib waxa aan noqday qof dhex galay ardaydii oo waxa aan korodhsaday asxaab kale oo tiro badan.
Haddaba Jaamacada Hargeisa, ee shalay aan ka soo baxay maanta waa mid sidee ah? Maanta oo ay wax waliba ka dhaqaaqeen halkii ay hore u taagnaayeen, una dhaqaaqeen wadada horumarka, Jaamacada Hargeisi, waxa ay la jaanqaadaysaa Jaamacada Aduunka ku yaala kuwooda ugu cadcad, waana Jaamacad horseed u ah Jaamacadaha dhigeeda ah. Waa wax Illaahay loogu mahad naqo, inta ka sokaysana maamulka Jaamacada oo ah Ashkhaas mar walba ku dadaala horumarka iyo taaba qaadka Jaamacada. Wuu mudanyihiin in loogu Hambalyeeyo Gudoomiyaha jaamacada Hargeysa Dr. Maxamuud Muuse Yuuusuf gudoomiye ku xigeenka jaamacada Hargeysa ee qaybta maamulka iyo horumarinta Ahna Gudoomiyaha Lacagta Prof Maxamed Cali Xirsi iyo Gudoomiye ku xigeenka jaamacada Hargeysa Prof:-Siciid Muxumed Jibriil, Horumarka ay Gaadhsiiyeen Jaamacadii Qaranka Somaliland.
Horumar kasta oo ka qabsoomaya Jaamacada waxa aan marnaba ka maqnayn oo xataa iyagu ah kuwa bilaaba ardayda kolba wax ka barata Jaamacada iyaga oo ku tartama in ay mar walba soo kordhiyaan wax Cusub oo aan hore u oolin ama ay keeneen ama sameeyeen arday kale oo iyaga la mid ahi.
Si kastaba ha ahaatee, ardaydii aannu soo wada qaadanay waxbarashada, meel wax kusoo wada dhiganay, markii aannu ka baxnay Jaamacadii waxa ay u kala dhaqaaqeen in midiba meel kasii wado waxbarashadiisii, iyaga oo ku kala sugan maanta dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, qaar kale ayaa iyaguna waxbarashadii ka doorbiday inay shaqaystaan, qaarna ay isku dhex wadaan, halka badhkood ay guursadeen oo ay maanta noqdeen hooyooyin iyo aabayaal, inkale oo farabadanina Heer Sare ayay ka Gaadheen waxbarashadii.
Ugu dambayn waxaan u ducaynayaa macalimiintii wax isoo bartay oo dhan, intii dhimatay iyo inta noolba, waxa kale oo aan salaan aad u qiimo badan u dirayaa ardaydii aannu walaalaha ahayn ee aannu meel kasoo wada baxnay meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Waxaan idin leeyahay saaxiibayaal iyo walaalayaal waa la isku soo noqon wixii nool aduunyaddan. Allena ha idinku garab galo dadaal kasta oo aad imika haysaan aameeen insha Allah.

Kayse Daacad
Master Candidate

COMMENTS
Latest News