Isu Duwihii Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Gobolka Saraar Oo Lagu Dilay Qori Lugud
September 17, 2018 - Written by admin

Allaah Haw u naxariistee Waxa Goor dhaweyd lagu dilay Degmadda Qori Lugud ee gobolka saraar Isu Duwihi Wasaarada Hawlaha Guud iyo Dhulka ee Gobolkaasi Eng. Axmed Cawil Daryeel.

Marxuumka ayaa sida aanu wararka ku helayno waxa dilay nin ku hubaysan Mindi, waxaana xilliga la dilayay Marxuumku uu ku guddo jiray qorshaynta dhul ku yaala Degmadaasi.

Warka ayaa intaasi ku daraya in Gacan kU Dhiiglaha Dilka geystay uu ku dacwoonayo in uu Marxuumku ku soo duway cabirka dhulka uu qaadayay jagadooda isla markaana uu afku ka xumaaday.

Xukuumadda ayaan weli faahfaahin ka bixinin dilka Marxuumkaasi, hasayeeshe dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay aad uga xumaadeen Dilka Isuduwihii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Maamulka Dhulka oo ay ku sifeeyeen in uu ahaa shakhsi af gaaban isla markaana ka adag shaqadiisa.

COMMENTS
Latest News