Warar deg deg : ah maayar maydhane oo diidey wasiiradii madaxweynaha qaranku u direy khilaafka golaha degaanka borama.by Musa Ali
September 28, 2018 - Written by maxamed jeex

Warar deg deg : ah  maayar maydhane oo diidey wasiiradii  madaxweynaha qaranku u direy khilaafka golaha degaanka borama.by Musa Ali 

Wararka naga soo gaadhaaya caawa magaalada borama ayaa waxay sheegayaan in shirkii lagu galey caawa xaafada sh.cali jawhar lagu kala kacay kadib markii maayar maydhane diidey taladii loo soo jeediyey.

Waftigii uu horkacaayey gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Axmad Yaasiin sh Cali Ayaanle  oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Saajin Xasan Sacad,Xisabiyaha Guud ee Qaranka axmed daauud Iyo agaasimaha wasaarada tacliinta sare Aways Muuse Muruud.ayaa ku fashilmey iney ku qanciyaan maayar maydhane inuu si nabad ah isku casilo kadibna xal loo raadiyo sidii looga badbaadin lahaa xadhig.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in maayar maydhane uu ku dacwoodey hadalo uqdadeysan oo ka baxsan anshaxa iyo mawduucii hanti dhowrku ay ku haysteen ee waliba ku cadaa inuu maydhane musuqmaasuqey boqolaalkun  oo dollars ah ,maayar maydhane Hadaladiisii waxaa kamid ahaa kuwo loogu bartey reerka uu isagu yahay ku waa soo ah anagu Waxaan is haynaa madaxweyne ku xigeenka qaranka JSL taasoo dhaqan u ah reerka uu yahay maayarku.

Hadaba caawa shacabka magaalada borama waxay aad uga xanaaqsanyihiin inaan ilaa imika aan waxba lagaqaban ninkaas uu ku cadyahay musuqmaasuqu ee dhacay hantidii umada reer borama.

Hadaba su,aasha dad weynuhu ay is weydiinayaan ayaa waxay tahay maadaama u maayar maydhane lunsadey hanti farabadan oo degmada wax loogu qaban lahaa,hanti dhowrkuna ay ku hayaan wax cad,sidaaasi darteed  mudane madaxweyne ma ninkaasi ayaa sii ahaan kara maayar???

Mudane madaxweyne waxaa nasiibdaro ah inaad degmada borama aad u dirto wafti isku reer ah oo caawa ay magaaladu aad u kacsan tahay sidaasi darteed dad weynaha reer borama ayaa waxay ay ka kacsanyihiin dadka isku reer ka ah ee aad u soo dirtey degmada.

Mudane madaxweyne dadka degaanku waxay ka yaabanyihiin in wali aad garab marsantahay dadkii codka ku siiyey ee ku codeeyey adiga,mudane madaxweyne waxaa lagugu yaqaaney inaad ahayd qof sharciga ku adag waxaana hal hays ku ahayd sharcigu hasareeyo,hadaba mudane madaxweyne maxaad dadkan sharciga ugu soo dabaali laadahay…

Mudane madaxweyne sida dhamaan shacabka reer borama iyo hanti dhowrkuba ay cadeynayaan in maayar maydhane uu lunsadey boqolaalkun oo dollar imikana uu diidanyahay inuu aqbalo taladaadii aad soo fartey waftigii aad soo dirtey ee isku reer ka ahaa.

Mudane madaxweyne haddii arintaas sidaa lagu daayo waxaa dhici doonta in beelaha kale ee degan gobolka awdal ay ku daydaan oo ay ka soo horjeestaan sharciga dawlada.sidaas darteed madaxweyne waa inaad ka hortegtaa iney waxaasi oo kale ay dhacaan….

By Musa Ali 

Musaali@hotmail.com

Amsterdam Holland 

 

COMMENTS
Latest News