Hambalyada maayarka cusub ee maanta loo doortey magaalada borama iyo dhibtii uu kaga tegey maayarkii hore ee borama.By Maxamed jeex yoonis
September 29, 2018 - Written by maxamed jeex

Hambalyada maayarka cusub ee maanta loo doortey magaalada borama iyo dhibtii uu kaga tegey maayarkii hore ee borama.By Maxamed jeex yoonis 

Waxaa maanta u bilowday maayarka cusub ee Loo doortey magaalada borama shaqo cusub , maalin cusub iyo sanad cusub inuu ku talaabsado iskana ilaaliyo isqa qabsi dambe iyo hantida umada oo la cuno,waayo?waxaa looga bartey golaha degaanka ee borama waxaa aan soo sheegey oo dhan.

maanta oo kale waxaa ay bulshada reer borama ay u dabaal-degaanyaan inuu maayarka cusub saleebaan xasan xadi uu dhaami doono x maayar maydhane oo hanti dhowrku ku haysto musuq maasuq baahsan.

Dad weynaha reer borama waxay leeyihiin Taariikhda ayaa qoridoonta dhibta iyo qabyaalada,dib u dhaca uu u geystey magaalada borama x maayar maydhane taasi oo ah mid aaney shacabku ilaaweyn.

 Taariikhda waxay qortaa wanaag iyo xumaan qof walba wuxuu lahaa markaa shacabka reer borama waxay ka rajeynayaan maayar saleebaan xasan xadi maadaama magaaladu ay u haraadan tahay wax qabad farabadan oo aan la soo koobi karin lkn hadana ay ugu horeyso wadooyin in loo sameeyo iyo in nadaafada la wanaajiyo.

Maayarka cusub waxaa looga fadhiyaa inuu bogsiiyo boogihii maydhane dhaxdhigey golaha degaanka borama iyo qabyaalada degmada uu dhaxdhigey intaasoo dhan waxaa laga sugayaa xalinteeda maayar saleebaan xasan.

Shacabka reer borama waxaan leeyahay niyadiina wanaajiya oo rajeeya inuu maayarka cusub wax fiican qabandoono 

Gabileynewsonline.com waxaa ay akhristayaasheeda u rajeyneysaa nolol iyo barwaaqo iney ka sugaan maayarka cusub.

By Maxamed jeex yoonis 

Maxamed-1970@hotmail.com

Borama somaliland 

 

COMMENTS
Latest News