Erayadii qudbadii uu ka jeediyay agaasimaha sharkada DP World, Suldan Axmed Bin Sulayman magalada Hargaysa (oo Af-Somali)
October 14, 2018 - Written by admin

 

Shalay waxay Somaliland u ahayd bar bilow cusub oo inoo horseedi karta kobaca dhaqaale. Haddaba, waxaa aad i soo jiitay qudbada uu jeediayay agaasimaha sharkada DP World, Suldan Axmed Bin Sulayman. Anigu waxaan u arka inuu agaasimuhu yahay nin aad u caqli badan oo leh aragti dheer (ama vision). Aragtida dheer oon ahayn mid hadal uu iska leeyahay, lakiin waa mid uu si cad uga midho dhaliyay muda uu maamulay sharkadani. Waxuu ka dhigay DP World in ay noqoto sharkada ugu wayn ee maamusha dakado badan oo calamka ah. Haddaba, qudbadni waxuu ku jeediyay afka Ingiriiska, taasi oo dadka Somaliland badankooda ayna fahmin. Haddaba, mar haddii uu agaasimuhu DP World , mudane Suldan Axmed Bin Sulayman uu ka hadlayo dhaqaalo Somaliland oo laga yaabo inuu wax wayn ka badali karo horumarka dalka, waxaan ka filayay in hadalkiisa dadka loo turjimi doono. Nasiib daro ma aan arag cid turjimaysa, sida daraadeed wakhtiga kooban ee hayay ayaan waxaa idiin soo bandhigaya turjimada qudbada, aniga oo isku dayay intii karaan kayga ah in erayada iyo hadalkiisa sida ugu haboon ee uu yidhi in aan af-somali ugu turjimo.

TURJIMADA QUDBADII SULDAN AXMED BIN SULDAN, oo ay joogan Madaxwayne Somaliland iyo hogaamiyayaasha dalku:

BISMILAHI RAXMANI RAXIIM, Mudane Madaxwayne, Golaha Wakiilada, wasiirada, martida sharafta leh. mudayaal iyo marwooyin. Maanta waa maalin aad u mihiim ah. Maanta waa malin wax qabadka. Maanta waa maalintii aanu sugaynay. Shalay waxaa la jeexay seeskii dekada Berbera. Berberi waxay ahayd dekad mudo aad u dheer mihiim u ahayd isku socodka bada. Haddii aad Google eegtid, waxaad arkaysa in qarnigii 13, iyo waxii ka horeeyayba in ay Berbera ay ka mid qeerkee ka mudhay.

Shaqada adaga, iyo dadaalka ay sameeyeen Madaxwaynaha iyo kooxdiisu ayaa halkani soo gaadhsiiyay. Berberi waxaay dib-u hanandoonta waxay xaqa u lahayd, oo ah in ay noqoto meeshii lagu kulmayay (ama the Hub). Dekada mihiim ah, iyo marin aad u mihiim ah oo gadiidka bada isaga dhex goosha.

Marakiib aad u badan ayaa iskaga dhex goosha qarada Europe iyo Bariga Fog (Far east), marakiibtani waxay hor maran Berbera. Haddaba, waa in aan samayno wax soo jiita, sida megnad oo kale, si ay ugu soo jiidno Berbera.

Maanta waxaanu saxeexnay heshiiskii (Kontaragii), si sharkada qandaraska qaadatay shaqada dekada u bilaawdo. Sanadkii hore waxaanu ka shaqaynaynay dekada Berbera, waxaana hagaajinay qaybo badan oo ka mida.

Dekada Berbera waxay ka mid tahay dakado badan oo aduunka ku yaala oo DP World horumarinayso. Sida daradeed, Berbera waxay ka mid tahay shabakada dekadaha qaarada Afrika (network of ports of Africa), ee ay DP World maamusho. Waxaanan doonayna in si fiican u hubino in marakiibta iska gooshaysa marinkani ay isticmaalan Berbera.

Dekada waa qayb, marka la hirgaliyo dekada, waxaa arki doonta ganacsiga badan, maxaa yeelay dekada ayay imanayaan. Dekadu waa ALBAABKA DHAQAALAHA. Berberi kama duwana Dubia. Waxa ugu horeeya ee Dubia maal galiso waxay ahayd dekada, mudo yar ka dibna waxaa kobcay ganacsigii. Bilawgii dekadayada waxaa la furay 1970-gii, waxaa laga yaaba in ay ku soo xidhaan jireen 15 markaba wiigi. Markii aanu dekadani furnay, 200 oo markab ayaa iska sugayay. Dad badan ayaa qabay in cidna iman doonin. Lakiin, haddii aad ganacsiga kaa dhab yahay, dadku way iman.

Sanadkii hore, mudane Madaxwayne, adiga iyo kooxdadu aad ayaad ugu mahadsan tihiin, shaqadii adkeed iyo iskashiga aanu wada yeelanay, laga bilaabo mayer-ka, maamulaha dekada, saraakiisha dawlada iyo qofkasta wuu tageeray mashruucani. Haddii tageerada aanu heli lahayn, Mudane Madaxwayne, maanta ma aan soo gaadhneen halka aanu joogno.

Marka, suuqa xorta ah (the free zone) lagu daro, waxaa uu Berbera ku soo kordhinaysaa horumar kale, sida aanu uga wadno aduunka oo dhan. Marka aanu hormarino dekada, sida aanu ka baranay Jabal Cali. Dakada wayn ee Jabal Cali ma ay shaqayn, ilaa aanu ku kordhinay suuqa xorta ah (the free zone), markaasi ayuu shaqaysay. Tana waa waxaa loogu yeedho “port center” ama “xayndaabka dekada”. Tani waxay u dhigantaa dekada hawlo iyo shaqooyin kale ku xeeran yihiin. Taasi waa ta aanu ka hirgalinayno oon ka fulinayno meelo badan oo calamka ah. Tani waxay dhiiri galinaysaa ganacsiga, dalkuna wuu ka faa’iidayaa. Sida daradeed, dekadu ma ah in ay alaab (cargo) keento, lakiin waa ay curiso alaab (cargo). Curinta alaab (cargo) waxay tahay in dadku sameeyan warshado, marka haddii dadku warshado sameeyan waxay shaqalaysiinayaan dad. Tani macnaheedu waxaa weeye, shaqaalo badan in loo bahnaado. Tusaale, hal shaqo oo dekado qorato, waxay abuuraysaa 20 shaqo Suuqa-Xorta (Free-Zone), sidaa ayay formula-du tahay.

Dp World waxay aad ugu dadaalaysaa siday u tababari lahayd dadka. Tababarku aad ayuu mihiim u yahay. In lagu tababaro xirfadooda iyo awooda, si aan u soo sarno dadka deganka oo wayo aragnimo u leh sida loogu shaqeeyo qalabka casriga ah ee lagaga shaqeeyo dekada (modern cargo handeling). Sababtu waxay tahay, maraakiibta hortiina maraysaa ma ah maraakiib yar yar, lakiin marka uu maraakiib aad u wayn yahay, aadna u casri san yihii waxay u bahan yihiin khibrad gaara ood alaabta uu sido si dhakhsa ah looga dajin karo ama lagu rasayn karo.

Iminka, waxaa dekada ka shaqeeya 1300 oo qof, iyo 1200 shaqaalo ah oo dekada dhexdeeda ka shaqeeya, oo abuuray natiijada aad aragtaan. Waxqabadka (Performance ) waxuu kordhay 70% (boqolkiiba 70), mug (capacity) waxaa kordhay 50% (boqolkiiba 50). Tani macnaheedu waxaa tahay, in ka badan 50% (boqolkiiba 50) in ay kordheen alabta imanaya, koradhka alabtuna uu kordhay 30% (ama boqolkiiba 30). Iyada oo dekadada cusub la dhisin, lakiin lagu kordhiyay qalab cusub, lana nidaamiyay. Isla markana, aanu siinay KALSOONI IYO BALLAN QAAD marakibta iska gooshaysa marinkani bada in ay si dhakhso ah wax loogu qabanayo. KALSOONIDU aanu kor u qaadnay, marka waxaad arki doonta ALAAB BADAN (MORE CARGO).

Qaybta kowad ee lagu kordhinayo dekada (phase one) waxuu ku kordhinayaa 450,000 kontaynar. Waxaanan ku kordhin doona qalab cusub. Natiijada maal gashiga dekadu waxa ka faa’iidaya dawlada, iminkaba qiimaha dhulka Berbera kor ayuu u kacay (sida ugu maqaalo ah) . Dadka wax dhisa waxay ka fakirayaa in ay Huteelo iyo guryo dhisan. Waxanan qabaa in aad arki doonto duulimaadyada (flights) Berbera oo kordha, natiijadeeduna waa dhaqaalaha dawlada oo kordha. Waxaa wadnaa qorshe mudo dheer wax tar u yeelan doona dadka deganka. Marka aan tagno dal, ma eegno dekada oo kaliya, lakiin bulshada ayaan wax u qabanaa, sida daradeed, waxaan ka cawina biyaha, iyo cusbitalada. Waxaanu iminka biyo ku xidhnay habka biyaha qaybiya ee Berbera, waxaanan kula heshiinay hay’ada biyaha in ay biyo bilaasha siiso reeraha danyarta ah iyo xoolaha degankani ee biyo la’aanta u dhimanta. Haddaba, marka aanu maal-gashano, Mudane Madaxwayne, waxaa nagu daba jira dad badan oo iyaguna maal-gashi samayn doona. Wadankiina waa DUCAYSAN YAHAY, xikmada siyaasad dawlada ee ka dhigtay dalkiina dal degan, oo nabada. DEGANAASHUHU, Mudane Madaxwnayne AAD AYUU U MIHIIM YAHAY.

Maal-gashiga calamku waxaa uu yimada oo KALIYA, marka ay nabad iyo deganaasho jirto. Sideedaba,biyuhu waxay inta badan u socadan dhulka hoose ee dhulka taag ma aadan. Sidoo kale, maal-galintu waxuu taga deganka deganaasho iyo nabadi ka jirto. Dadku waxay u bahan yihiin in ay shaqeeyan , abuurana bayacmushtari, xagay ku murmi lahaayeen. Waxaan ku arkay halkani, Berbera, dad badan oo u shaqaysanaya si wada jira, ku shuraakoobaya danta guud. Waxaan idiin sheegayaa, deganka (ama dalka) guul gaadh waa ka dadkiisu wax u wada qabsadan, isna saacidan. Xusbiyo kala gaari, wax kasta kala yihiin, ugu danbaynta waxaa wada tihiin dad Somaliland ka soo jeeda, himilada iyo faa’iida waa mid qofkasta u dan ah. Is-kaashiga, iyo dhiiri galinta aanu idin ka aragno waxay dad badan u samaxaysa in ay himiladiina ay idin la qaatan.

Guushu kuma xidhana waxa aan anagu samayno, waxay inteeda badan ku xidhan tahay waxa aydin idinku samaysaan. Anagu waanu idiinku kalsoonahay waana idin aamin sanahay, haddii ayna sidaa ahayn maal-gashigani ma aanu samayneen. Waxaanan doonaynaa in aanu iibino (ama xayaysiino), si tujaaradu u kobacdo. Maanta waxaa aragtaan sawir dekada, haddii uu ganacsigu kobco, waxaad arki doonta sawir kale. Mudane Madaxwayne, DP World waxay haysata balanqaadyo dhiiri galinay in ay dekadu saxmad (ama cidhiidhi) noqon. Waxaanu u balanqaadnay marakiibtu kala gooshata dariiqa bada in ayna dekadu noqon mid aan buux dhaafin, ee ay markasta heli doonan fursad ay ku soo xidhan karan, si fududna uga bixi karaan. Haddaba, kalsoonida la nagu qabo ayaa waxay na dhaxal siisay in 79 ilaa 80 dekadood oo aduunka ku kala yaala aanu maamulno. Sida daradeed, waxaan soo dhawaynaa Dekada Berbera in ay ka mid noqoto dekada calamka ee aanu la shaqayno. Aad ayaan u xiisaynaynaa, waanan ku faraxsanahay in mashruucani bilaabmay, marka uu shaqadu bilaabmato, waanu dhamaystiraynaa, shaqadu ma joogsanayso. Waxaa aanu sii wanaajin doona. Himiladayadu waa sidii dekadani u noqon lahaa marin biyoodka ugu mihiimsan Geeska Afrika. AAD AYAAD U MAHADSAN TAHY MUDANE MADAXWAYNE.

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!!!!

OMAR A YOUSUF

OAKALAND, CALIFORNIA

COMMENTS
Latest News