MISHANKA DOORASHADA HA LA BADALO IYO LAMA BADALAYO.
October 24, 2018 - Written by admin

 

Doorashada golaha deganka iyo wakiiladu waxay gashay marxalad adag, waxaana hubaal ah in wakhtigii loo balansana in doorashada la qabto aan la qaban karin. Wakhtiga ay doorashadu dhici doonta lama garanayo.

Lama garan karo in dib loo dhigi doono sanad, laba sano iyo wax ka badan. Muranka u dhaxeeya xusbiyada iyo xukumada waxaa uu u eg tahay mid ay ku sii kala foganayaan.

Waxaa dhagaystay qudbadii madaxwayne Muuse Biixi Cabdi. Waxaan u arkayay qudbadiisa mid uu si fiican ugu hadlay halka ay salaadu ka xidhmi la’ dahay.

Madaxwaynu waxaa uu ku doodaya in Xusbig Wadani uu masuuliyada dib u dhaca leeyahay. Isaga oo Madaxwaynuhu sababta ugu dhigay in aanu marnaba Xusbiga Wadani ku qanci in doorasha laga guulaystay, isla markana ayna marnaba ka tanaasulin. Madaxwaynu waxaa uu soo qaatay hadalkii Gudoomiyaha Xusbiga Wadani Mudane Cabdiraxman Ciro jeediyay, markii tanaasulayay. Gudoomiyuhu waxaa uu yidhi:

“U maan tanaasulin gudoomiyaha xusbiga Kulmiye, umaan tanaasulin xusbiga Kulmiye. Lakiin waxaan u tanaasulay danta qaranka, nabadiisa iyo dalka horumarkiisa.” Madaxwaynu wuxuu ku doodaya halka ay sartu ka qudhintay ay tahay Gudoomiyaha Xusbiga Wadani inuu shaki galiyay natiijadii doorashadii, isaga oo doorashada ka dhigay mid “GACAN KU RIMIS AH” ah.

Haddaba, dadkii codeeyay badankooda, kormeerayashii ka socday ururada Bulshada Somaliland iyo kuwa calamkuba waxay isku raceen in Doorashada Madaxtooyadu u dhacday si xor ah oo xalaala.

Sida daradeed, komishanka qaranka ee doorashadani inoo qabtay waxay inaga mudnaayeen bilad dahab, lakiin ma ay ahayn in la iska eedayo.

Xusbiga Wadani wax cadayn ma soo bandhin, haddii laga tagi wayo buug ka mida kuwa lagu codaynayay oo laga soo xaday gobaha lagu codeeyay ee gobalka Saxil, iyo dhawr dagmo ooy yidhaahdeen dib ha naloogu tiriyo. Sharcigu waxaa uu dhigayay in sanaaduuqda la isku haysto, dib loo tiriyo. Lakiin, Komishanka doorashadu waxuu saddex goor dib-u-tiriyeen sanaadaqda demooyinka ay ka cabanayeen. Tira codada ooy ku wayaan mooye, waxba kama uu soo bixin.

Haddii, komishanka doorashadu wax is daba marin sameeyay, sharcigu wuxuu dhigayaa inay Maxkamada Sare ka garsoorto. Lakiin xusbiga Wadani taasi ma uu samayn, ee waxay go’aan sadeen in doorasho danbe la qaban, mar haddii ayna doorashadii Madaxtooyada siday filanayeen u dhicin.

Xusbiga UCID (Faysal Cali Waraabe), Xusbiga Kulmiye lama qabo xusbiga Wadani in komishanka doorashadu ay qalad sameeyeen.

Haddaba, sadexda xusbi waxay kala aaminsan yihiin:

XUSBIGA WADANI

Xusbiga Wadani waxaa ku doodaya in aanu doorashada ka qayb galaynin haddii komishanka doorashada la kala dirin, laguna badalin kuwa ku yimada tira is leg oo saddexda xusbi soo xushan. Xubiga Wadani ummada uma soo bandhigin wax cadayna oo lagu kala diro komishanka doorashada.

XUSBIGA KULMIYE IYO MADAXWAYNAHA

Madaxwaynaha iyo xusbigiisu waxay ku doodayaan, in doorashada u dhacday si xor ah oo xalaala, Komishanka doorashaduna shaqadood si fiican u qabsadeen, wax qalada ooy sameeyan aanu jirin. Sida daradeed, aan la kala diraynin. Ayna joogayaan ilaa uu wakhtigii la doortay la gaadho. Haddii, xusbiga Wadani wax ka tirsanayo komishanka, inuu maxkamada sare dacwadiisa geeyo.

XUSBIGA UCID

Xusbiga UCID, ama Faysal Cali Waraabe kalsoonida way siiyen komishanka doorashada. Lakiin, markii arkay in meel kala fog ay kala joogan Xukuumada iyo Xusbiga wadani, ayaa waxuu soo jeediyay; in komishanka doorashada labada xubnood loogu kordhiyo xusbiyada mucaaridka.

Faysal Cali Wareebe, waxaa uu ku doodaya in Madaxwaynu ka diiday in labadan xubnood lagu kordhiyo.

Haddaba, madaxwaynuhuna waxuu shirkiisa jara’aad ka sheegay:

“In intii aanu xeerka u gudbin golaha wakiilada, waxay jansi (chance) la siiyay xusbiyada, si ay dib u eegid ugu sameeyan waxii ka qaldamay iyo sidii loo hagaajin lahaa doorashooyinka. Xubiga Wadani wuu diiday inuu arinta galo. Xusbiga UCID-na, bishii March ayay soo diyaariyeen soona gudbiyeen. Waxayna soo gudbiyeen ra’yigoodii, waxa ka qaban, iyo sida loo toosinayo. Ururada bulshadu way keeneen ra’yigoodii. Waxii arinta danaynayay way keeneen ra’yigoonii. Kadibna Komishanka ayaa loo gudbiyay. Akadimaya qoral ayaa soo diyaariyeen. Xusbiga Kulmiyana wuu ka soo shaqeeyay ra’yigiisii. Waana la ii keenay, golaha wasiirada ayaan geeyay, si ay u eegan in uu sharciga waafaqsan yihiin. Iyada oo siday u wada dhamayd ayaan Golaha Wakiilada ugu gudbiyay. Xusbiga UCID laba Janis (chance) ayuu haystay, markii uu ra’yigiisa qorayay inuu ku soo daro in laba xubnood Komishanka loogu kordhiyo. Haddii ay dhaaftay, oo iminka xusuustay inuu iminka u gudbiyo Golaha Wakiilada, sharcigu waa qobyo qoraale. Barlamanka ayaa kordhin kara ama diidi kare.”

KOMISHANKA DOORASHOOYINKU MAXAY QABTAAN?

Sida uu gudoomiye ku xigeenka xusbiga Wadani, mudane Cabdiqadir Jirde waraysiga siiyay VOA wiigi hore ku sheegay:

“Doorashada waxaa qabta shaqaalaha doorashada oo ka kooban heer qaran, heer gobal iyo heer degmo. Komishanku waa agaasimka. Komishanku iyaga ayaa agaasima, natiijada ku dhawaaqa.”

Haddaba, komishanku waxaa uu ku dhawaaqa oo kaliya isu-gaynta codadka lagu soo tiriyay goobkasta. Goobkasta oo lagu codaynayo waxaa jooga muraaqibiin ay soo xulan komishanka doorashadu. Muraaqibiinta komishanka u shaqeeya waxa laga soo qoraa ardayda jamacadaha, haddii ayna xubiga aanu kalsooni ku qabin muraaqibiinta way diidi karaan. Muraaqibinta komishanka iyo wakiilada saddexda xusbi waxay si wada jira u hubiyaan dadka codaynaya. Waxay hubiyan dadka codaynaya in haystan kardhka codbixinta (Vote registration card) iyo goobta ay ka codaynayaan tahay tii saxa ahayd. Magacyadooduna ku jiraan liiska magacyada ee goob kasta iska diiwan galiyay. Kadibna, waxay siiyaan warqada ay ku codaynayaan. Tirinta codadkana waxaa goobkasta wada-jir u tiriya muraaqibiinta Komishanka ugu wakiilka ah iyo saddexda wakiil ee xusbiga uga wakiilka ah.

MAXAA DHACAYA HADDII AAN LA ISKU TANAASULIN.

Waxba ma dhacayaan, waayo dadku iyaga illashanaya dalkooda iyo hantidooda. Cida shirbeeleed ku dhawaaqdayna cid ka hoos qaadaysa ma jirto. Dadka Somaliland ka ogalaan mayaan, nimanka reerahoodu loo masruufayo in ay nabada yar ay hastan ka kala daadiyan.

Haddaba, haddii aan la isku tanaasulin, doorasho ma dhacayso, waxaanay noqonaysaa in komishanku in sanadka u hadhay dhamaystan iyaga oon wax doorasha ah qaban (ama Dec 2019). Ugu yaran lixbiloodna waxay qadanaysaa inta komishan cusub ay saddexda xusbi iyo xukuumada ku wada-qancan la soo xulayo (ama Jun 2020). Sanad kalena komishanka cusub waa inta uu ku diyaarinayo doorashad. Marka, wakhtiga ugu horeeya ee doorashadu qabsoomi kartaa waxaa noqonaysaa Jun 2021 (Haddii Eebo ka dhigo). Golaha Wakiilada iyo Golaha degankuna waxaa loo samaynayaa mudo kordhin, ilaa inta kuwa badala la dooranayo.

XALKU MUXUU YAHAY:

Xusbiga Wadani, ayay u daldalantahay doorashadu, markaa waa inuu dacwad ku oogo komishanka qaranka, oo Maxkamada sare gartooda dhagaysato. Haddii, komishanka qalad ay sameeyan lagu helo, ooy sharci jabiyeen, marka ayaa sharcigu lagu qaadayaa oo la kala dirayaa. Haddii kale, wakhtiga la doortay ayay dhamaysanayaan.

In la sameeyo guddi saddexda xusbi ka kooban, oo komishanka doorashada LA-AGAASIMA doorashada. Si gudidan iyo Komishanku ay soo wada xulan muraaqibiinta doorashada ka masuulka ah, inta aan natiijad doorashada lagu dhawaaqina dib u eegid ku wada sameeyan.

In la isla qaato fikirka uu soo jeediyay Faysal Cali Warabe ee odhanaya: In labada xubnood lagu kordhiyo xusbiyada mucaridka. Faysal Cali Waraabe ma cadaynin in xusbiga Wadani ku wada socdan arintani. Su’aasha waxay tahay:

Haddii, labada xubnood loogu kordhiyo komishanka doorashada, xusbiga Wadani, kalsooni ma siinaya Komishankani? Haddaba, haddii, la isla qaato in labdani xubnood lagu daro komishanka, waa in labada xubnood ka soo jeedan beelaha aan ku jirin komishanka, madaxwaynaha waa in loo gudbiyo si uu golaha wakiilada ugu gudbiyo marka uu ku qanco.

GABA GABADII

Waxaan dhagaystay jawabihii Xusbiyada mucaarid ka yidhaahdee shirka jaraa’id ee Madaxwaynaha qabtay. Waxayna u egayaan kuwa la hadlaya tageerayaashooda iyo inta sacabka u tuma. Halka uu madaxwyane Muuse Biixi la hadlayay shacabka Somaliland oo dhan, isla markana xusbiyada mucaaridka u muujinayay ixtiraan, gartiisana uu ku salaynayay sharci, ummadana u sharxayay wax la isku hayo iyo halka arintani ka bilaabmatay. Madaxwaynu Muuse Biixi waxaa uu ku eedayay Xusbiga wadani in ay caqabad ku yihiin doorashada. Taasin waa dhab haddii Xusbiga Wadani aanu komishanka kalsoonida kala noqon lahayn, maanta olalahii doorashdada ayaa lagu jiri lahaa ee la isma haysteen.

Gudoomiye ku xigeenka xusbiga Wadani Cabdiqadir Jirde ayaa wuxuu warasiga VOA ku yidhi:- “Maanta iyaga (Kulmiye) ayaa saddexdii shirgudoona haysta, tariikhda hore umay dhicin saddexdii shir gudoomiye

iyo 62 xildhiban oo Kulmiya in ay golaha fadhiyaan. Bari haddii doorashada Barlamku dhacdan inta heli mayan”.

Hadaba, Mudane Cabdiqadir Jirde waxaan u sheegi lahaa, Kulmiye idinka ayaa fursada siiseen. Markii Komishanka doorashda ee doorashada qaban lahaa kalsoonidii kala noqoteen, idinka ood komishanka doorashada ku soo oogin wax qalada ooy sameeyan.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxuu madaxwayne ku noqday tirada codadka ee uu dadkii siiyeen. Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxuu helay codad ka badan 305,000 cod (ama 55% codadkii la dhiibtay). Haddii Faysal Cali Warabe iyo Cabdiraxman Ciro ay tanaasulaan iyo haddii kalba Madaxwaynaha Somaliland ayuu noqon lahaa.

Dastuurka Somaliland meelna kagama taalo waa in doorashada marka laga helo aad tanaasusho, lakiin waa sunaha doorashada, iyo ixtiraamka ay tahay in aad ixtiraamtid, nidamka dimuqradiga ee adiga fursada kuu siiyay in aad gudoomiye xusbig qaran, iyo musharax madaxwayna noqotid.

Sidoo kale, Xusbiyada Wadani iyo UCID, waxay xusbiyo qaran ku noqdeen tirada codad ay ka heleen doorashadii golaha deganka ee ururada iyo xusbiyadu ku tartameen. Sidaa ayaa Faysal Cali Warabe iyo Cabdiraxman Ciro ku noqdeen hogaamiya yaasha xusbiyo qaran. Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo Xasan Ciise Jamac u tanaasuleen.

Gunaanidkii, doorashada oo la qabtaa waa inoo wada dan. Shacabka ayaa doorashada doonaya oo ka daalay golaha wakiilada ee mudo dhaafka ah, ee fadhiidka ah. Golaha degaanka ah een shaqadooda garaynin. Doorashadu dalka ayay u dan tahay. Madaxwaynuhu wuxuu marar badan ku celiyay in doorashada wakhtigeeda qabanayo, in dalku ku iibsamayo, haddii doorash wakhtigeeda la qabto. Marka af-xumada iyo muranka joogtada ah, ee dadka sii kala fogaynaya iska daya, oo xalka loo wada dhan yahay oo la isla qaato siddii loo hirgalin lahaa ka shaqeeya.

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!

OMAR A. YOUSUF

OAKLAND, CALIFORNIA

Omaryousuf455@gmail.com

COMMENTS
Latest News