Farriin Ku socotta Wasiirka Macdanta Somaliland: Mudane Wasiir: “Macadata Dhallinta u Fassax”
October 25, 2018 - Written by admin

 

Waddanka Sudan wuxuu maalinkii shalay ku dhawaaqay inay 78 Ton oo dahab ah 9ka bilood ee sannadkan dhulkooda kala soo baxeen. Sudan waxay horumarkaas ku gaadhay iyagoo shacabkooda u ogolaaday inay dahabka ka qottaan dhulkooda – buur iyo banan. Shardiga qudha ee ay dawladda Sudan shacabkeeda ku xidhay waa: In dahabka ay waddankooda ka qottaan ka iibiyaan hay’ad ay dawladdu leedahay. Dadkii reer Sudan dhulkoodii ayay ku foofeen, buur iyo bannan. Waxay isu abaabuleen kooxo, is-kaashatooyin iyo sharikado, dahab cas ayay dhulka kala soo baxeen.

Lacagta 78 Ton oo dahab ah Sudan ka soo gashay, waxa lagu qiyassi karaa 2.8 Billion Dollar – sida hoos ku dhigan:

78 Tonx1000 = 78000 Kilo oo Dahab ah.

78,000 Kilox35.2 = 2,745,600 oo Wiqiyadood

2,745,600 Wiqiyadoodx1000 dollar = 2,745,600,000 Dollar ama 2.745Billion

Sidaa Awgeed, farriinta aan u dirayo Wasiirka Macdanta ee Somaliland waxay tahay: Mudane Wasiir , Dhalinta reer Somaliland ee badda ku dhammaaday, u fassax inay nimcada dhulkooda ku duugan la soo baxaan. Midna ogoow, adiga iyo wasaaradda aad madaxdda ka tahay rool-kiinu wuxu yahay: inaaad dajiso nidaamkii iyo Siyaasaddii lagu maamuli lahaa ummaddan waddankooda wax kala soo baxaya. Ma aha shaqadaadu inaad sugto in dad ajanabi oo Gaalo, amam Hindi amma Bangladaash ahi ay macdanta inoo qodaan.

Xassan Cabi Yuusuf

Riyadh, Somaliland

Sudan People Gold Mines Link: https://www.youtube.com/watch?v=xelmAaSZnQg

COMMENTS
Latest News