Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Shaqo Gelinta Oo Olole Ku Qaaday Darbi Jiifka
November 6, 2018 - Written by admin

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Shaqo gelinta Arimaha Bulshada iyo qoyska Somaliland
ayaa Maanta Olole Aad U Balaadhan Ku Qaaday Derbijiifka

6/11/2018 HARGAYSA {MESAF}
Caasimada Hargeysa ,Halkaas Oo Loogu Fidiyey Adeegyo Iskugu Jira Cunto, Dhar , Timo Jarid Iyo Dawayn, Hawlgalkan Oo U Hogaaminay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland

Maxamed Cilmi Aadan Ilakacase Oo Ay Wehelinayaan Qaar Kamida Agaasime Waaxeedyada Wasaarada Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Ugu Horay Waxaa Halka Ka Hadlay Kusimaha Agaasimaha Waaxda Arimaha Bulshada Oo Fahfaahin Ka Bixiyey Ololaha Balaadhan Ee

Wasaarada Ku Taakulaynayso Darbijiifka Caasimada Hargeysa,Waxaanu Sheegay In Deeq Iskugu Jirto Dhar Cunto Iyo Daawayn Ay Soo Gaadhsiyeen, Madama La Galay Waqtigii Dhaxanta Waxaa Nagu Waajib Ah In aanu Ka War Hayno Dadka Duruufta Hayso, Waxaa Sido Kale Madasha Ka Hadlay

Agaasimaha Maamulka Wasaarada Shaqada ,Waxaanay Si Weyn Ugu Bogaadisay Madaxda Wasaarada Talabadan Wax Ku Oolka ah Ee Lagu Cawinayo Darbi Jiifta Caasimada Hargeysa,

Waxaa Sido Kale Halka Ka Hadalay Agaasimaha Qorshaynta Iyo Xidhiihdka Hayadaha Ee Wasaarada Shaqada Marwo Filsan Oo Culimada Dalka ku Dhaliishay In Ay Gabeen Kalintoodi

Waxaanay Ugu Baaqday In Ka Qayb Qaatan Dhaqan Celinta Derbijiifta Caasimada Hargeysa. Ugu Danbayn Waxaa Hadalka Soo Gebo Gebeyey Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Shaqada Oo Sheegay In Hawsha Maanta ay Kamid Tahay Hawl

Maalmeedka Wasaarada Oo Ah Hawlaha Qaranku U Igmaday Taasina Waa Mid Nagu Waajib Ah Ka War Haynta Dadka Tabalaysan, Waxaanan Ugu Baaqaya

Walidiinta Aan Daryeelayn Caruurtooda Talaabo Adag Laga Qaadi Doono, Hadii Ubad Kooda Xanaanayn Waayan,

COMMENTS
Latest News