Ilhaam Cumar Oo Guul Ka Gaadhay Doorashadii Ka Dhacday Maraykanka
November 7, 2018 - Written by admin

Ilhaan Cumar oo ah Haweenay Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Soomaaliya, hasayeeshee ku nool Dalka Maraykanka ayaa ku guulaystay Kursiga Baarlamaanka dalka Maraykanka.

Marwo Ilhaan Cumar ayaa heshay codad Badan, waxaanay sidaasi kaga mid noqotay Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi, iyada oo taariikhda ku gashay in ay tahay haweenaydii ugu horeysay ee Soomaali ah, sidoo kalena Muslim ah ee iyadu hanata Kursigaasi.

Dadka Soomaalida ah ee Ku nool Dalka Maraykanka Gaar ahaan Minnesota, ayaa si weyn u soo dhaweeyay Doorashada Ilhaam Cumar

COMMENTS
Latest News