Ergadii Guurtida Ka Socotay Oo Loo Diiday In Ay Gaadhaan dhumay oo Laba Beelood Ku Dagaalameen
November 10, 2018 - Written by admin

Xubnihii golaha guurtida Somaliland ee loo xilsaaray nabadaynta Beelaha ku dagaallamay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ayaa loo diiday in ay tagaan deegaamada ay ka socoto dedaalka lagu doonayo nabadda ee Saax-dheer iyo Dharkayn Geenyo.

Sidoo kale wasiirrada Somaliland ayaan tegay goobahaasi.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa degan Hotel Caashuura oo ku yaalla gudaha magaalada Laascaanood.

Odayaasha dhex-dhexaadinaya laba dhinac ayaa ku guulaystay in ay xabad joojin ka dhaqan geliyaan goobaha lagu dagaallamay.

Weli si rasmiya looma go’aamin halka gogosha nabadda la dhigayo laakiin warar hordhac ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in Jigjiga lagu qabto.

Xasan Galaydh

COMMENTS
Latest News