Waa Maxay Sababta Sucuudi Aarabia u Sheegtay In Shan Qof Loo Dilayo Dacwadii Wariye Khashoggi
November 16, 2018 - Written by admin

Xeer ilaliyaha guud ee Sacuudiga ayaa codsaday in ciqaab dil lagu xukumo shan qof oo la sheegay in lagu tuhmayo dilka suxufi Jamaal Khaashuqji.

Khaashuqji oo ahaa weriye si weyn u dhaliila dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasi oo wax ku qori jiray wargeyska Washington Post, ayaa la dilay labadii October markii uu booqday qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogaha Sacuudiga ayaa maanta sheegay in Khaashuqji la duray sunta dadka disha kadibna jirkiisa cad cad loo jaray.

Dowladda Sacuudiga ayaa sharaxaado kala duwan bixineysay tan iyo markii Khaashuqji la waayey, oo ay ka mid ahaayeen inay mar sheegtay inuu qunsuliyadda si nabdoon uga baxay, inuu ku dhintay gacan ka hada,l iyo in lagu dilay howlgal ay fuliyene koox fallaago ah.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in ciqaabta dil loo codsaday shan ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu soo oogay dacwado ku saabsan inay amreen oo ay fuliyeen dilka, halka lix kale oo lagu eedeeey inay kaalin ku lahaayeen dilka ay helaan xukunka ku haboon.

Sacuudi Carabiya ayaa dhinaca kale weydiisatay Turkey inay gacan ka geysato soo gudbinta akhbaaraadka lagu ogaaday baaritaankii ay ku sameeyeen dilka.

Wargaysyada caalamka ayaa qaar ka midi ay arintan ku tilmaameen inay tahay raad-gadasho lagu marin habaabinayo cidii rasmiga ahayd ee wariyaha sida arxanka daran u dishay, waana mid ka mida khiyaamooyinka ay sucuudigu ku qarinayaan xaqiiqda dhabta ah ee dilka wariyaha, maaha wax macno wayn leh bay yidhaahdeen in shan qof oo la adeegsaday xukun dila lagu fuliyo balse waxa loo baahan yahay cidii ka danbaysay, wallow tirada fuliyayaashii dilku ay ahayeen shan iyo tobon qof halka sucuudigu uu shan ka mida uun sheegay inay dili doonan qaar kalena xukuno ku dhacayaan

COMMENTS
Latest News