War Degdeg ah: Xukuumadda Ethiopia Oo Xabsiga U Taxaabtay Gen. Gabre
November 16, 2018 - Written by admin

Col. Gabregziabher Alemseged oo Soomaaliduna ay u yaqaaneen Gen Gabre oo sanado badan ku amar ku taagleyn jirey madaxda Soomaalida ayaa dowladda Ethiopia ay xabsiga u taxaabtay.

 

Dowladda Soomaaliya oo xiriir dhow la leh Ethiopia ayaa uga faa’iideystay xariga Gabre oo loo maxkamadeyn doono dembiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo uu ka geystey gudaha Soomaaliya iyo Ethiopoa.

Gen Gabre ayaa laga qabtay Magaaladda Addis Ababa, waxaana lagu soo waramayaa in uu qorshaynayay sidii uu xukuumadda wadankaasi uga baxsan lahaa.

Waxa ay wararku sheegayaan In ay u qorshaysnayd sidii uu ugu baxsan lahaa dhinaca Dalka Kenya, hasayeeshee ciidamada Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay.

Xukuumadda Ethiopia ayaa ku dhawaad 60 sarkaal oo hore uga tirsanaan jiray xukuumadihii kala danbeeyay ee dalka Ethiopia gacanta ku soo dhigay, xabsigana u taxaabay.

COMMENTS
Latest News