Golaha Wakiilada Oo Faahfaahiyay Xeerka Booliska + Hanjabaad Ay U Direen Dadka Dura Gole Weynaha
December 5, 2018 - Written by admin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Golaha Wakiillada usoo gudbiyay soo-jeedin ah wax ka beddel iyo kaabis la xidhiidha Xeerka Booliiska Xeer.Lr.63/2018.

Sidaa daraaddeed, Golaha Wakiillada JSL isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah wuxuu dood ka yeeshay soo-jeedimaha xukuumaddu soo gudbisay si waafaqsan hab-raacyada sharci-dejneed ee dastuurka iyo xeer –hoosaadka Golaha Xeer.Lr.12/2014, goluhu wuxuu cod ku ansixiyay qodobbadii xukuumadda ka soo noqday.

Xeerka Booliisku wuxuu xambaarsan yahay ahmiyad sharci maaddaama oo uu si toos ah uga farcamayo Qodobka 124aad Ee Dastuurka JSL oo jidaynaya waajibaadka ciidanka booliiska iyo qaab-dhismeedkoodaba in Xeer gaar ah lagu faah-faahiyo.

Xeerka Booliisku wuxuu la jaan-qaadayaa oo uu waafaqsan yahay Baaqa Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha (Universal Declarations of Human Right) Iyo Heshiiska Caalamiga Ah Ee Ilaalinta Xuquuqaha Madaniga ah ayo Kuwa Siyaasiga Ah (International Covenant on Civil and Political Rights).

Haddaba, annaga oo ka duulayna dhaliisha loo soo jeediyay Nuxurka Xeerka, waxaannu go’aansannay in aanu Bulshada u caddayno in Xeerka Booliisku leeyahay ahmiyad weyn iyo wafaqsanaan dastuuri ah oo kor loogu qaadayo ilaalinta xuquuqda muwadiniinta.

Sidaa daraaddeed, waxaannu ka digaynaa cid kasta oo sifo aan sharci ahayn u dhaliishay isla markaana geysatay xad-gudub weyn oo ka dhan ah waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha Wakiillada JSL oo oo ay ka dhalan karto danbiyo culus.
Golaha Wakiilladu wuxuu iftiiminayaa Qodobka 14aad Ee Xeerku wuxuu Booliiska ku waajibiniyaa ilaalinta nafta, maalka iyo xorriyaadka aas-aasiga ah ee muwaadiniinta, sidoo kale xeerku sida waafaqsan qodobka 16 (3aad) wuxuu booliiska ka reebayaa in uu u adeegsado xabad nool qof ama koox aan hubaysnayn.

Ciidammada Booliisku waxay qayb ka yihiin ciidamada qaranka si waafaqsan Xubinta 4aad Ee Dastuurka JSL, sidaa daraddeed, fal-dambiyeedyada ay galaan xubnaha Booliisku waxaa lagu qaadayaa Maxkamada Ciidammada sida waafaqsan Qodobka 104 (1aad) Ee Dastuurka JSL, Xeerka Booliisku isaga oo ka duulaya Dastuurka wuxuu jideeyay in fal-dambiyeedyada dacwadaha ciqaabta ah ee ay galaan ciidanka boooliiska in loo gudbiyo Maxkamadda Ciidammada.

Karaamada iyo haybadda dastuuriga ah ee Golaha wakiilladu waa mid dhawrsoon waxaana reebban in kooxo iyo dad gaar ahi caadayastaan meel ka dhac ka dhan ah karaamada iyo haybadda dastuuriga ah ee Golaha, cid kasta oo falka noocaas ah ku kacdana waxaanu hay’adaha ay khusayso u soo jedinaynaa in ay tallaabo sharci ah ka qaaddo.

Waxaa reebban in nuxurka xeerarka si aan sax ahayn loo fasiro bulshadana lagu jaah-wareeriyo, cid kasta oo falka noocaas ah ku kacdana waxaannu hay’adaha ay khusayso u soo jeedinaynaa in ay tallaabo sharci ah ka qaaddo.
Waxaannu war-baahinta madaxa-bannaan iyo bulshadaba la socodsiinaynaa in ay xogta rasmiga ah ee la xidhiidha nuxurka xeerarka kala xidhiidhaan Golaha Wakiillada JSL isla markaana xogta xeerarka la xidhiidha aanay ku jaan-goyn cid kasta oo caadaysatay wararka been abuurka ah ee aan sharciga wafaqsanayn.

Geba-gabadii, Golaha Wakiilladu waa hay’ad xambaarsan karaamada iyo awoodda shacabka ee dastuurku u gaaryeelay shacabka, sidaa daraaddeed, waxaannu marlabaad ka digaynaa in wajibaadka dastuuriga ah ee golaha lagu xad-gudbo.

ALLA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL

COMMENTS
Latest News