Gabileynewsonline.com
Berberi Ma Hiil Bay U Baahantahay Mise Hambalyo.?
December 15, 2018 - Written by Yasin dhegocade

Akhristeyaal Saaxiiboyaal, Waxaan halkan idinkula wadaagi doonaa Qoraal Taxane ah, Oo iskugu jira Iftiimin iyo
Xogsiinba, Maaha inaan u hadlaayo dan shakhsi oo aniga ii gaar ah. Maaha dhaleecayn qof nacayb iyo Shakhsi weerar.
Ugama jeedo qoraal kaygan Raadsasho anfac iyo aduun oo Uma sii maraayo meel aan waxka doonaayo, balse ujeedka aan
iskugu hawlay ee igu Ijbaaray waxaa weeyaan.
In mudo ahba waxaa SOCIAL MEDIA-YAHA kusoo baxaayey qoraalo iyo Sawiro ay inala wadaagayeen dad fara
badan Oo joogaa meelo kala disan sida gobolada Somaliland, iyo dalka debadiisaba, qoraaladaas Xogahaasi dhamaantood
waxay daaranaayeen oo ay iskaga mid ahaayeen ujeedooyinka ay ka hadlayeen, Waxay ahaayeen HAMBALYOOYIN,
BOGAADIN IYO BUUNBUUNIN qayral caadiya oo loo Tabinaayey qof amaba Masuul aan mudnayn aniga aragtidayda gaar
ka ah. Waayo Hadaad maqashid masuul umadda adeege u ah oo waajibaadkiisa maalinlaha ah gudanaaya, oo lagu
amaanaayo waxay u dhigan tahay laba mid uun.
1- in dadkan amaanayaa aanay aqoon u lahayn waxan ay ku amaanayaan Masuulkan oo aanay aqoonba waxaa ay qofkan
shaqadiisu tahay.
2- iyo in ay tahay Barnaamij uu isagu abaabulkiisa leeyahay oo ah waxaa aynu u naqaano “IIDHEHDA” taas oo loola jeedo
ama loola dan leeyahay, Yool Habaabin iyo Buunbuunin si Dadka waxma garatada ah loogu mashquuliyo, waxaan dani ugu
jirin.
Haddaba waxba yaanan idinku badin sharaxaada mawduucayga oo aan toos u abbaaro ula jeedkkaygee, Waxaan rabaa
inaan waxooga iftiimin ah idinkala wadaago Arin ku saabsan Magaalada Xeebeeda Berbera iyo Maayarka Magaaladaas
Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (CIDIN).
Magaalada berbera waa Magaalo aad u facweyn oo Taariikh badana leh oo aynaan halkan kusoo koobi karin, Balse Arintaas
kagaba hadli maynee. Waxaan Mawduucan si qoto dheer ugaga hadli doonaa
Mustaqbal Xumaanta iyo Nasiib dara soo wajahday Magaaladii berbera ee Somaliland u ahayd KINSIGA dahabka ah ee
dhaqaalaheena laf dhabarta u ahayd.
Akhriste ii ogolow inaad wakhti kooban ii raacdid Magaaladii berbera, ogow tagi mayno dalxiis iyo Tamashleyn ee waxaan
doonayaa inaad Ila soo aragtid, Xaalka magaaladu ku sugan tahay hada, iyo inaan waliba kaaga sheekeeyo siday Berberi
ahayd shan sano uun ka hor.
Aan kaga bilaabee markaad maraysid XABAALO TUMAALOOD tuulada loo yaqaan oo Magaalada Galbeedkeeda dhacda
masaafo gaadhaysa 25KM. Waxaad u galaysaa Dhul seesan oo oo lamiga ku teedsan, Seeskastaa waxaa ka kooban yahay
Cabir dhan 100m oo dherer ah iyo 100m oo kale oo balac ah. Waxaad is odhanaysaa tolow meeshan ma beer ayaa laga
dhigayaa, Waayo Dee maaha meel guri laga dhisan karo oo magaaladii waxay u jirtaa 25KM, waa guriga magaalada ugu soo
xiga.
Haddaad tahay qof ka yimid dhinaca Burco ama Sheekhna waxaad Seeska ugu soo galaysaa Tuulada loo yaqaano TUULO
XAYAWAAN oo Koonfur kaga beegan berbera masaafo dhan 35KM. Waa sidii uun Sees aanay ishaadu dhinaciisa kale
arkayn iyo Calaamad aad u aqoon sanaysid in dhulkani yahay arlo dad qayb sadeen oo mulkiyeen Lkn aanad garan karin
waxaa loo isticmaalaayo.
Hada wali magaalo kuuma dhawa oo meelna 25km ayaa xigta meelna 30KM ku dhawaad. Ila soco Akhriste, Oo waxii aad
aragtid ama kaa yaabiya ama aad iswaydiisid, hadhaw markaynu berbera gaadhno iwaydii hada wax badan baa kuu
hadhaye. Waxaad taqaanay marka magaalo intaas loo jiro ama laga baxo inaad aragtid laba mid uun.

1- dhul beeralay ah oo aan laga aqoon Sees ama jagooyin.
2- iyo Dhul Xoolo daaqeen ah oo Meesiyada lagu foofiyo oo la kala lahayn. Balse Berberi la mid maaha ee hala yaabin.
Waxba hays waydiin Haddaad maqli jirtay Dhulka waxii magaalada ka baxsan 15KM, waxaa maamusha Wasaaradda
Hawlaha guud, Berberi waxay haysataa sed bursigaas dheeraadka ah ee.
Hays waydiin anigana hay Su’aalin goorta iyo xiliga uu dhulkani magaalo noqonaayo oo Berberi soo gaadhayso, waayo dee
aniguba garan maayo, Jawaabta oo kuma dhaamo. Haddaad maqli jirtay dawlada hoose waxay dorshaysaa oo qaybisaa
kolba Bagcada ku haboon inay magaalawdo, oo ay deegaamaysaa Tanna aad aragtay fadlan Hays mashquulin, Berbera
waxaa lagu kala gatay Qiimo jabane.
Hadda waxaynu soo gaadhnay berbera, waxaad joogtaa Halkay labada wado ku kulmaan SIIRO-GA.
Haddaba Berbera aan kaaga sheekeeyo, immika waad I fahmaysaa, waayo 25KM iyo 30KM ayaynu Seesas Iyo Calaamado
soo dhaafaynay, Waan garanayaa Su’aalaha kusoo haraatiyaaya ee I dhagayso, anniga si aad Sawirada Maskaxda kuugu jira
aad ugu heshid Jawaabo aad ku fahanto.
Aan Berbera kaaga bilaabo siday ahaan jirtay iyo siday tahay….
Lasoco qaybaha dambe….

COMMENTS
Latest News