GUDOOMIYAHA XISBIGA WADANI EE G.AWDAL OO SHEEGAY IN HORUMARKA BORAMA LAGAWADAA CAQABAD KU YAHAY XISBIGA WADANI.BY DHARAAR SUGAAL
January 22, 2019 - Written by maxamed jeex

GUDOOMIYAHA XISBIGA WADANI EE G.AWDAL OO SHEEGAY IN HORUMARKA BORAMA LAGAWADAA CAQABAD KU YAHAY XISBIGA WADANI.BY DHARAAR SUGAAL

Waxa beryahan danbe magaalada borame lagadareemayey hawlgalo dawlada hoose ee borama ku banaynaysay wadooyinka halbowlaha u ah caasimada oo gebi ahaanba ay xidheen jiingado iyo kabadho waaweyn oo laga hordhisay,hawlgaladaas oo ay aad ugu farxeen bulshada reer borama aadna loosoo dhaweeyey.

Hadaba,arintan oo maalmihii ugu danbeeyey   culima udiinka reer awdal masaajidada uga ducaynayeen ayaa waxa dadkii reer borama lama filaan kunoqotay dhawaq  kasoo yeedhay gudoomiyaha xisbiga wadani kaasoo mayorka borama kutilmaamay yuhuudi sidii reer falastiin u xasuuqay dadkii dariiqyada xidhay ama dadkii laga dumiyey jiingadaha guryihii dhagaxa ahaa xidhay.

Arintani waxay ku keentay bulshada reer borame dareen ay aad ugu saluugeen afkaarta xisbiga wadani dadka siyaasada falanqeeyaana waxay u arkeen in ay xisbiyada dalku u kala lexejeclo dhawyihiin reer awdal .

Ugu danbayn waxa laga dhursugayaa jawaabta ay arintani kabixiyaan madaxda sarsare ee xisbiga wadani waxaase hubaala hadii ay arintaa sidaa kaga aamusaan in ay reer borame xisbiga wadani fiiro gaara u yeelan doonaan ,maadaama uu jiray dareen maalmo dhaweyd shaqsiyaadka ka dhexmuuqda xisbiga wadani ee gobolka awdal iyo xildhibaanohargaysa ka yimi abaabulayeen shirir goosgoosa oo ay doonayeen in doorashada lagu qaadoco kaasoo ugu danbayntii fashilmay.

By Dharaar sugaal 

Dharaar@gmail.com

London uk 

COMMENTS
Latest News