Aduun yada’tan dheeligu galoo dhinac u liicaysa,By Rooble cawaale geedi
February 1, 2019 - Written by maxamed jeex

Aduun yada’tan dheeligu galoo dhinac u liicaysa,By Rooble cawaale geedi 

Colaado iyo Xaalado cusub oo murugo xambaarsan oo ka soo korodhey degaanada darbi xoore,habaas,cabdiqaadir,hemaan iyo ilaa jidhi waxaa ka soo cusboonaadey dagaalo ay isku horfadhiyaan beelaha gadabuurssi weyne iyo ciise ee wadadega dhulkaasi.

Dalka waan aqanaa Bahal Iga Da’a weynoo,Dad cun ahi ma Joogee,Kuma didee Hargooloow,Ha Igu Tumin Durbaanada. Iyo Daasadaha Madhan.

Hadaba sida ay wararku sheegayaan dagaalkani markii hore waxaa bilaabey reer kuul oo dhul uuna lahayn ka doonaaya beelaha bahabarceli si cadna ugu xadgudbey dhulka beelaha bahabarceli sidaasi darteed beesha bahabarcelina wey ka dagaalantey arintaasi weyna diidey iney dhulkeeda been been lagu qaato.

Dhanka kale badhasaabka gobolka Salal mawliid ayaa isna garab siinaaya beesha degan xuduuda dhinaca Ethiopia ee reer kuul taasina waxay keentey iney beelaha bahabarceli ay ka fal celiyaan dulmigaa is huwan ee dhul doonka ah.

Dhanka bahabarceli wararka naga soo gadhayaa waxay leeyihiin waxaan  diyaar u nahay inaan difaacano  dhulkayada diidana kuwa dhul boobka ah waxayna kaga jawaabeen gabaygan.anigoo wax haggi kara hambo kuma xaragi karo haassaawe beeniyo mana qaadan karo hadal hadhaagana ma sugi karo noloshana hadh kama ihi!

Sidaasi awgeed dagaalkaas labada reer u dhaxeeyaa wuxuu isku badalayaa mid ku siifida inuu saameeyo gadabuurssi weyne iyo ciise hadaba haddii imika aan la joojin cida gardarada bilowdey waxaa dhici doonta inuu faraha kabaxo.

Waxaan soo qaatey gabaygii Abwaan AFGUDHIYE : Markay aragtida sokeysi ta dheer ogolaani weydo ahaatey dhammaad adduune xaqiiqada aadisteeda adkaysi ha loo lahaado.

Lorsqu’ une intention immediate et a court Vient contredre la vision strategique a long terme,c’est le debut d’un apocalypse suivi de regrettables conflits et defaites.

By Rooble cawaal geedi 

Rooblegeedi333@gmail.com

Toronto canada 

COMMENTS
Latest News