Gabileynewsonline.com
WEY MUDANYIHIIN HAMBALYADA CIIDANKA QARANKA JSL..BY MAXAMED JEEX YOONIS
February 4, 2019 - Written by maxamed jeex

WEY MUDANYIHIIN HAMBALYADA CIIDANKA QARANKA JSL..BY MAXAMED JEEX YOONIS 

Anigoo ah maxamed jeex yoonis ahna shaqsi u dhashay dalka JSL Somaliland waxaan hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka qaranka Somaliland oo shalay 25 jirsaday.

Waxaan xalay aan xasuustey oo igu soo degey in ciidanka qaranka ee JSL ay yihiin mid muhiim ah weyna muteysanyihiin inaan hambalyo hawada aan u mariyaa ,waxaan leeyahay guuleysta meel walba oo aad jogtaan…

ciidanka qaranka Somaliland ay kaalin muhiim ah ayey kaga jiraan ilaalinta ammaanka iyo weliba difaaca qaranka Somaliland, “Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan ciidanka qaranka Somaliland, waxaanan geesiyaasha ciidanka qaranka ku ammaanayaa sida ay mar walba heeganka ugu jiraan adkeynta nabad dalka JSL …

heegan ugu yihiin difaaca dalkooda iyo weliba ilaalinta ammaanka guud ee qaranka.

Waxaan qirayaa in ciidanka qaranku kaalin mug leh kaga jiraan horumarka Somaliland, waxaanan dhammaan ciidanka qaranka leeyahay hambalyo.”

By maxamed jeex yoonis 

Maxamed-1970@hotmail.com

Belgium Brussels …

COMMENTS
Latest News