Gabileynewsonline.com
Taariikh Kooban Dhinaca Islaamka iyo Saamaynta uu ku lahaa Burburkii Dawladdii Dhexe ee Somalial
February 5, 2019 - Written by admin

Taariikh Kooban Dhinaca Islaamka iyo Saamaynta uu ku lahaa Burburkii Dawladdii Dhexe ee Somalial

Boqolkii sanadood ee u danbeeyay, Muslimiintu waxaay sameeyeen isbedelo farabadan, inkastoo caqabado badani ka horyimaadeen. Waxay rajo ka qabeen in dawladii Ottoman Empire-ku sameeyso xukun ummad Islaami ah si loo soo celiyo guulihii ay gaadheen markii intaas ka horaysay. Hadafkaasi wuxuu beenoobay kadib dagaalkii koowaad ee adduunka iyo daciifnimadii ku timid dawladdaas. Arrintaasi waxay si fiican xabaal ugu dhacday markii Mustafa Kemal Ataturk uu mamnuucay khilaafada Islaamka. Isbedelkaas lama filaanka ahaa wuxuu dhaliyay jaahwareer iyo rajo-xumo ka abuurantay Islaamka dhexdiisa. Arrintaasna waxa dabka ku sii shiday markay ay reer Europe gacanta ku dhigeen badiyaaba caalamkii Islaamka. Waxaa halkaas daaqadda ka baxday awood dhexe oo Muslimiintu yeeshaan. Waxaa kale oo abuurantay cadaawad ka dhexaysa dawaldihii Muslimka ahaa, taasoo si rasmi ah u bedeshay taariikhda Islaamka.

Inkastoo dawladihii Islaamka ahaa ay isku dayeen inay ka falceliyaan isbedelada reer Europe ka dhexwadaan dalalka Islaamka, hadana ma noqon mid siday rabeen u hirgasha. Waxaase abuurmay kooxo fara-ku-tirsi ah sida Ikhwaankii Masaarida 1929, Jama’ati Islaami ee reer Hindiya, Indonesia iyo Jaamacadda Carabta 1945. Ururadaasi waxay himiladoodu ahayd inay dib-u-habayn ku sameeyaan jajabka xagga siyaasadda, dhaqaalaha iyo milatarigaba dalalka Muslimiinta ah. Taasi waxay noqotay hal bacaad-lagu-lisay, oo waxay noqotay rajo beel dhinac kasta marka laga eego.

Arrintii ugu saamaynta badnayd qarnigii labaatanaad waxay ahayd Kacaankii ka dhashay dalka Iran, kaasoo aan ku salaysnayn Western model sida shuucinimada, hantiwadaaga, hantigoosiga, balse ka timid fikrad Islami ah. Xoogaga Kacaanka Iran ayaa noqday halis ka soo horjeeda quwadaha reer galbeedka. Waxaanay isku bedeleen xagjirnimo aad uga fog sida Islaamku tilmaamo inaan seef iyo xoog lagu muquunin rumaynta waxdaaniyadda iyo hab-raaceeda. Hadaba arrintaasi waxay saamaysay dalal badan oo carbeed oo qunyar socod ahaa iyo kuwo u janjeedhay siyaasadda hantiwadaagga sida Syria, Libya iyo Ciraaq. Dabadeed waxay isku bedeshay kacdoonkii dalalka carbeed dhinaca dhaqaalaha iyo awood qaybsiga xagga siyaasadda oo dadweynuhu qayb laxaadle ka qaateen sidii loo afgembiyi lahaa dawaladihii ay ka jirtay dhaqaale-xumada baahsani iyo cadaadiska siyaasadda iyagoo ah dalalka saliida hodonka ku ah iyo dhoofinta saliida nooca ugu qaalisan dunida siiba Libya.

Hadaba bal aan eegno sida isbedeladaasi u saameeyeen dunida madoow gaar ahaan Somalida. Kadib dhul-boobkii reer Europe ee Afrika lagu qaybsaday shirwaynihii Berlin 1884, Dhulka Somalidu wuxuu gacanta u galay quwado shisheeye sida Fransiiska, Ingiriiska iyo Talyaaniga; baaxad ahaanna wuxuu ku dhaw yahay Sudan, haddii aanu ka badnayn marka la isku daro min Djibouti ilaa NFD iyo Kilalka Shanaad.

1960 ayaa lagu tilmaamaa sanadkii Afrika. Qiyaas ahaan 17 dal oo qaaradda midabka leh ka mid ah ayaa xoriyadoodii la siiyay magac ahaan. Labo qaybood (British Somaliland Protectrate iyo Italian Somaliland) oo ka mid ah dhulkii Somalida ayaa ka mid noqday kuwa loo taagay calan ay leeyihiin oo xornimadooda tilmaamaya. Labada qaybood oo israacooda dhinaca qaanuunka aan ahayn mid distuuri ah ayaa muddo iska lushay si loo helo cadaalad iyo sinaan muwaadiniintu dhamaan u siman yihiin meel kasta ha ka yimaadaane (including Somali Galbeed, NFD Kenya iyo Djiboutiba).

Haddaba, Oktoobar 21-dii, 1969, ayaa la afgembiyay dawaldii uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa AHN Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo ka soo jeeday goboladii woqooyiga. Tuulo walba saajin milatari ah ayaa ku amar-ku-taagleeyay.

Xeerkii Qooyska in ragga iyo dumarku simanyihiin ayaa Kacaankii Max. Siyaad Barre toos u ansixisay. Hadaba ogolaansha Xeerka Qooyska ka sakaw, khudbadii uu jeediyay waxay si weyn uga cadhaysiisay culimo badan oo Somaliyeed iyo mucaaridkii berigaa jiray oo ashuunka ku adimi jiray. Niman farabadan oo Boqortooyada Sucuudiga siiba Maka ka aflaxay ayaa si xoowli ah loogu soo daad-gureeyay bariga Afrika, gaar ahaan Somalia. Dalalka Islamka, Caalamka Carabta iyo Culimadii Somaliyeedba aadbay u canbaareeyeen Xeerkaas.

01/26/1975, waxaa tiirka lagu xidhay koox wadaado ah oo rasaas qoorta lagaga jaray. Rag ka mid kuwaasina waxay ahaayeen kuwii Sucuudiga ka yimid. Culimadii Somaliyeed waxay noqdeen kuwo bahdilan oo aan hadlikarin iyo fariiq baxsada iyo kuwo aamuska ku tukada.

1986, waxaa jiray dareen ah in Islamiyiintu si xooli ah u xoogaysanayaan dalka gudihiisa, dabadeedna waxaa lagu bilaabay xadhig iyo ku dabajoog raadadka ay sameeyaan Ururkii Al-Itixaad oo uu madax ka ahaa Sh. Cali Warsame, kuna guulaystay inuu ka badbaado xabsi iyo dil loo gaysto, kana fakaday dalka isagoo galay Sucuudiga.

1987-dii, waxaa lagu kaadshay Masaajidkii Sheekh Cali Suufi barta Imaamku ka tukiyo dadka. Waxaa arrintaas masuul ka ahaa niman dhalinyaro ah oo ka tirsanaa xoogagii duub-casta Madaxtooyadii dawladda Somalia. H”

qora: Ismail Omar (Ismail Shiine), aqonyahan qoraa iyo falanqeye.

libaah21@gmail.com

 

COMMENTS
Latest News