Gabileynewsonline.com
Somaliland – Dhuumasho Dhabarku Muuqdaa waa Dhib iyo Hadimo
February 9, 2019 - Written by admin

Waa dhif iyo nadir maalin aanay madaxda Somaliland ka soo yeedhin hadalo duraya Xamar
iyo in Somaliland ka madax-banaan tahay Somalia. Marka aad maqasho eraydadooda waxa
aad is odhan, haddaarka ay muujinayaan dartii, meelna iskama taabtaan maamulada
Hargeysa iyo Xamar; laakin cusbo ku qaado weedhahooda.
Si aan u biniixino dulucda maqaalka, bal aan marjac ugu noqono warbixin ay soo wada
saareen Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladda Federalka Somalia iyo World Bank ee
“Multipartners Fund”, taas oo aad ka daalacan karto iskaashiga lacageed ee ka dhexeeya
Xamar iyo Hargeysa.
Warqaddani u ma ay qalin qaadan in ay faahfaahiso ama ay ka faalooto warbixintaa dheer oo
ilaa 112 bog ah. Waxa kugu filan adigoo halacsada tixraaca hoose ee warqaddan.
Multi-partners Fund Report waa warbixin lagu qiimeeyey mashaariicdii deeqaha caalamiga
ah ee ay wada fuliyaan saddexanka (troika) – Muqdisho, Hargeysa iyo Garoowe – oo weliba
isku-duwidooda (coordination-ka) uu leeyahay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Dawaldda
Federalka Somalia.
Maqaalkani waxa uu kor-ka-xaadin doonaa kaalinta Hargeysa ay ka ciyaarto dhurashada
kaalmada caamiga ah, iyadoo maraysa Xamar.
Haddaad maqasho madaxda Hargeysa oo ku faanaysa barnaamijka shaqo-abuurka
dhalinyarada, ogow in lacagtaasi ka timi mashruuca STEP (Skills Training Entrepreneurship
Project) oo ay Somaliland qayb-libaax heshay (40%). STEP waa deeqo (Grants) ay mayalka
u hayso Dawladda Federalka Somalia.
Deeqaha saddexanka waxa kale oo ka mid ah: maalgelinta SICRP (Somali Investment
Climate Reform Program) oo Somaliland ka heshay $2.8m, Puntland-na $1.7m iyo Xamar oo
qayb u heshay $3.1m. Ma yareysan Hargeysi!
Waxay mar kale saddexanku wadaageen mashruucyada maalgelinta kaabayaasha
magaalooyinka (Somali Urban Investment Planning): Xamar $2.43m, Garowe $1.63m, iyo
Hargeysa $1.68m. Hargeysaa, ma ka gashay halkeedii!
Ma aha arrimuhu lacag qaybsi keliya, wada-shaqayn joogta ah ayey leeyihiin Wasaaradda
Maaliyaada Dawladda Federalka iyo Wasaaradda Maaliyadda Somaliland. Tusaale ahaan
Bishii November 2017 waxa isku mar Hargeysa iyo Xamar lagaga wada dhawaaqay sanduuqa
taakulyanta mushtarka Soomaaliyeed (Somali Business Catalystic Fund). Hadda dhadhami
erayga Soomaliyeed!
Dhegaha dadku in badan bay maqleen Guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa
Nairobi kula kulmay madaxda World Bank-ka, waxba ha sii biciidsan, fadlan u faham in
Bangiga Dhexe ee Hargeysa uu ka mid yahay mashruuca CBS and SFI (Central Bank and
Service Finance Information), kaasoo ka caawima bangiyada dhexe ee Hargeysa, Garowe iyo
Xamar arrimaha teknolijada elektronika (ICT), la shaqaynta xawaaladaha, mushahar bixinta,
ururinta cashuuraha iyo tababarada shaqaalaha xisaabaadka; iyadoo la kaashanayo
shirakado caalami sida SFMIS Designer TA iyo PcW. I tus halka ay lacagi taalo!
Ku darsoo mashruucan kore ee bangiyada dhexe, waxa uu toos u hoos yimaadaa barnaamijka
loogu yeedho “Fiscal Federalism” oo ka dhigan in Hargeysa ka mid tahay Dawladda Federalka
Soomaaliyeed; marka ay timaado arrimaha lacagta. Si wacan u maqal.
Ugu dambayn waxay dawladda Madaxweyne Biixi ay tiraab dheer ku sheegtaa “Tiro-koobka
Shaqaalaha dawladda”, waxba ha ku tigaalin, u garo inay tahay uun maalgelin Xamar soo
martay, Hargeysana timi, oo dhan $10m. Waa guulaha ugu waaweyn ee Md. Biixi ku faano.
Waxase uu dadka ka qariyey in uu xamar u xisaab celiyo!
Ogow iskaashigu kuma koobna wasaaradaha maaliyadaha ee waxa iyana wada-shaqayn
dhow leh wasaaradaha qorshaynta. Xasuuso qiyaas-tirookoobkii UNPFA ee dalka oo dhan ka
dhacay sannadkii 2014-15, Somaliland-na ka qayb-gashay, waxaa si weyn u difaacay wadashaqayntaas wasiir Sacad Cali Shire oo markaa ahaa wasiirka Qorshaynta, imikana ah
wasiirka Maaliyadda. Sacad waa wasiir lagu kalsoon yahay sir hayntiisa iyo ilaalinta xogaha
xasaasiga ah. Faahfaahinta tirokoobka ka daalaco tixraaca hoose.
Haddaba iskaashigani cidla kama unkamin ee waa is-afgaradyadii ka soo baxay
wadahadaladii Istanbul iyo Djibouti ee sannadihii 2014 iyo 2015, kuwaas oo ku qotomay
wadaagga caawimada caalamiga ah. Runtiina Somaliland waa laga qayb-geliyey, waana ay
ka qayb-gashay. Dawladda Xamarna kama waasho ee way u xilqarisaa. Talow sidaasi
Somaliland miyey soo dhoweynaysaa mise way lu’goynaysaa. Cajiib! Waqtigaa sheegi. IA.
Haddaba isku soo wada duuboo, dhibka jiraa waa: Somaliland dhuumasho ayey quruskeeda
deeqaha caalamiga ah kaga soo qaadataa Xamar, shacabkeedana Xamar iyo Somalia ayey
u caydaa. Madaxweyne Biixi aflagaaddo iyo eedayn buu mar walba u miisaa Xamar iyo
dawladda Federalka ah, wasiiradiisuna waxay ku hadaaqaan, “waxa loo kala bixi Somaliland
iyo Somali-Weyn”, oo macnaheedu yahay: qofkii dhaliishayada sheegaa Xamar buu la
socdaa. Shacabkuna badi way ka daba-jiibiyaan, iyagoo leh, ”Xamar dooni mayno”. Eed ma
leh shacabku. Sir ma qabe Allow sahana!
Sow gar ma noqon in markaa la yidhaa, “ogow dhuumashada qaar uu dhabarku muuqdaa
waa dhib iyo hadimee, waa dhib iyo hadimee”.
Wa Bilahi Towfiiq
Maxamuud Cabdillahi Axmed,
London, UK.
maxamuudaxmed@live.com

COMMENTS
Latest News