Gabileynewsonline.com
“Quruxdii Hablaha Somaliyeed Hoos ayay u dhacaday”
February 23, 2019 - Written by admin
Waxaan doonayaa inaan yara sheego dhacadooyin aan indhahayga ku arkay.
Waa shalay abbaaro 5:40Pm waxaan joognaa Jaamacadda Hargeysa afaafka hore ee Jaamacadda qaybta gawaadhida la dhigo ee “Paarkinka” ayaan marayaa, waxaan kusii socodaa xaga weysada oo Salaadii Maqrip ayaa soo dhaw, waxa aan maqalay uun hablo Class-ka kasoo baxay oo hadaladooda iyo sawaxankooda meel-dheer laga soo maqlaayo. Waxaanay isku leeyahiin hadalo aan munaasiba ahyn, haddii aan is idhaaho sheeg aanay qurux badnayn.
Waan yaabay! aadna waan u naxay wallaahi bilaahi, hablihii sharafta iyo qiimaha lahaan jiray oo sidaasi u danbaysay, oo waliba goob Cilmi iyo aqoon lagu dhiganaayana kasoo baxay.
Weysadii ayaan iska qaatay anoo yara amakaagsan!. Kadibna Masaajidka ayaan galay arday badan ayaa soo gashay markaasi Masaajidka, safka hore ayaan iska fadhiistay. Salaadii ayaa la eedaamay waanan tukanay. Markii Salaada laga baxay waxa Microphone-ka qaatay imaamkii waxaanu toos uga shekeeyay dhacadadii aan arkay oo kale waxaanu waqti badan ka hadlay Hablaha iyo Qayimkoodu sida uu hoos ugu dhacay.
Saaka waxaan ka qayb galay xuska Maalinta Dhalinyarada Somaliland ee 20-ka February, oo machadkayga oo Wasaaradda Ciyaaraha kamida si toosa loogu soo marti qaaday. Safafkii ayaanu galnay oo machadkaygu wuu ka duwan yahay machadada kale saf gaara ayaanu galnay, waxaanan socdaal ku horumarnay Madaxtooyada. Markii goobtii la gaadhay wax lagu soo bandhigaayay oo ahyd Maxakamada Gobalka horteeda. waxaanu khaatiyaan iska taagnay hablo ka socoda iskuulada Dawlada, adiga oo soo taagan ayay ku jiidhayaan. waliba ogaan! macallimiintii iyo askartii ayaa yaabtay Kkkkkk.
Cumar binu Khadaab RC, oo ummada ku boorinaya xishoodka ayaa yidhi, “Qofkii xishoodku ku yaraado, xalaal-miirashadiisa ayaa yaraata, qofkii xalaal-miirashadiisu yaraato, qalbigaa engegga”
Hablaheenu sharaf ayay mudan yahiin iyo waliba qadarin qoraalkaa kooban waxaan uga jeeday uun ina ay habluhu Qayimkooda ilashadaan.
By Yuusuf Cabdi Xoday
Wehelka Mustaqbalka.

COMMENTS
Latest News