Gabileynewsonline.com
Xukuumadii Hore Oo Qiratay Fashilaada Mashruucii Xunbo Weyne
March 4, 2019 - Written by admin

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo,Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa markii ugu horasay cadeeyay in ay iyagu hakiyeen mashruucii biyo balaadhinta xunbo weyne

 

Mashruucaas oo ay maal gelinaysay dawladda imaaraadka carabtu, ka dib markii ay hadheeyeen maamulo xumo iyo qorshe la’aani.

 

Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay munaasibad lagu daah furayay wajiga labaad biyo balaadhanta caasimadda, kaas oo ay maal gelinayso dawladda jarmalku.

 

2007-dii ayaa mashruucan biyo gelinta ee xunbo uu bilaabmay iyada oo ay wakhtigaasi ay taladda dalka hogaaminaysay xukuumadii hore ee Madaxewyne Daahir Rayaale Kaahin, hasayeeshee markii ay talada la wareegtay xukuumadii madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo ayaa mashruucaasi uu socon waayay isla markaana buuq iyo hadal hayn badani ay hadhaysay.

 

Mashruucan oo qaybo ka mid ah la hir geliyay ayaa waxa la qoday 12 ceel biyood, iyada oo la sameeyay  godkii la dhigayay beebka biyaha soo gaadhsiinaya Magaaladda hargeysa.

 

Waxa kale oo la sheegayaa in ilaa hadda ay dekeda berbera yaalaan afar taangi oo loogu talo galay kaydka biyaha iyo qalab kale oo loogu talo galay hir gelinta  kaydka biyaha.

Sidoo kale mashruucan ayaa la sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee ka hor yimid in ay ka mid ahaayeen muran ka yimid  jihadaha dhuumaha biyaha sida laga gelinayo Magaalada hargeysa.

Mashruucan oo ay ku baxaysay malaayiin dolllar, lana doonayay in biyo lagu gaadhsiiyo dadka ku dhaqan caasimadda ayaa gabi ahaanba fashilmay, taas oo ay hadda masuuliyadeeda qaadatay xukuumadii hore.

Sidoo kale xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ayaa bilawgii mudo xileedkeeda shaacisay in uu fashilmay mashruuca biyaha xunbo weyne, waxaana sidaasi cadeeyay wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha somaliland.

Isku soo wada duubo arrimahan iyo hadalka wasiirkii horre e madaxtooyadda ayaa cadaynaya in fashilka mashruucaasi biyaha xunbo weyne ay dummada ku qaadatay xukuumadii hore ee madaxweyne siilaanyo.

DAAWO MUUQAALKA WARKAAS OO FAAHFAAHSAN

COMMENTS
Latest News