Dibadbax maanta ka dhacay magaalada Diridhabe + SAWIRRO
March 9, 2019 - Written by admin

Dibadbanta ka dhacay magaalada Diridhabe + SAWIRRO

   Dibadbax ballaaran ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Diridhabe, banaanbaxan ayaa waxaa isugu soo baxay dadka Oromada ah ee deggan qaybo kamid ah magaalada Diridhabe.

Haddaba banaanbaxan ayay Oromadu isugu soo baxeen waddooyinka waawayn ee magaalada, iyagoo wata boodhadh ay ku qoran yihiin qoraallo ay ku muujinayeen cabashadooda iyo waxay damacsan yihiin.

Banaanbaxyadan maanta ka dhacay magaalada Diri-dhabe ayaa daba socda banaanbaxyo maalinimadii shalay ka bilowday guud ahaan degaamada ay Oromadu degto, taas oo ay kaga andacoonayeen guryo laga dhisay degaankooda oo dad qawmiyadaha kale ah la dajiyay iyagoo raba in Oromo kaliya la dajiyo, iyo sidoo kale iyagoo sheeganaya inay leeyihiin caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa waa siday hadalka u dhigeen.

COMMENTS
Latest News