Shiinaha Oo Hakiyay Isticmaalka Diyaaradaha Boeing 737 Max 8
March 11, 2019 - Written by admin

Diyaarad rakaab ah oo ay lahayd Itoobiya oo noocedu ahaa Boeing 737 Max 8 markii ay shalay burburtay kaddib ayuu dalka Shiinahana shaaciyey in duuullimaadyada diyaaradahaasi dalkiisa laga jojiyey ilaa amar dambe.

Wakaladda Duullimaadyada dalka Shiinaha ayaa shariikadaha caalamka u sheegtay iney diyaaradahaasi duullimaad ku iman Karin dalkeeda laga billaabo maanta.

Lixdi bilood ee la soo dhaafay waa shilki diyaaradeed ee labaad ee ku yimaadda diyaaradda boeing uu noocedu yahay 737 Max 8.

Khubarada duullimaadka ee ku howlan baaritaanka shilkan waxa sbabay waxay sheegeen iney wakhti qaadaneyso in la ogaado sababta shilka uu ka dhashay.

Bishii October ee sanadkii hore diyaarad noocan ah oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee “Lion” oo burburtay waxaa ku dhintay 189 qof.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiya waxay leedahay 5 diyaaradood oo nooca Boeing 737 Max 8 dhammaantoodna shaqada laga joojiyey.

COMMENTS
Latest News