Wasiirka Gaadiidka Oo Wareegto Cusub Soo Saaray
March 13, 2019 - Written by admin
Home  News

Wasiirka Gaadiidka Oo Wareegto Cusub Soo Saaray

0
    

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka C/laahi Abokor Cismaan ayaa wareeto uu soo saaray waxa uu ku kodhiyey wakhtigii 6 bilood ahaa ee la siiyey dadweyanaha in ay Sumadda kaga bedelaan gaadiidkooda ee ku ekaa 10 Maarso 2019.

 

Wareegtadan oo soo baxday maanta oo ay bishu tahay 12/ 3/2019 waxa uu wasiirku ku sheegay in wakhtigaasi lagu daray 3 bilood isla mar ahaantaasa Wasaaradda Gaadiidku samaysay qiimo dhimis xaga lacagta lagu qaadanaayo Sumadda Gaadiidka, qiimo dhimistan ayaa waxa ay ka bilaabmataa 12/3/2019 ilaa bisha june.

COMMENTS
Latest News