Magacyadda Soomaali Ku dhimatay Weerarkii Masjidka New zealand Lagu Qaaday
March 15, 2019 - Written by admin
Home  News

Magacyadda Soomaali Ku dhimatay Weerarkii Masjidka New zealand Lagu Qaaday

0
    

In ka  Badan 40 qof ayaa La Sheegay in ay Ku Dhinteen Weerar Argagixiso oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Qof hubeysan ayaa Weerar Ku qaaday Masjid lagu magacaabo Al-Nur oo ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Warbaahinta Qaar ayaa Sheegaysa in Weerarkan ay ku Geeroyoodeen Dad Soomali ah oo Ku Cibaaday Sanaayey Gudaha Masjidka, Magacyadda Dadka Soomaalida ee Ku Geeroyooday Weerarkan ayaa Kala ah : Sheekh Muuse Nuur Cawaale, Sheekh Cabduqaadir iyo Cabdullaahi Aadan Diiriye.

sidoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay Aadan Diiriye oo isna ah qofka afraad ee soomaaliga ah ee wax ka soo gaadheen weerarkaasi argagaxisada ah.

Dadka Masaajiska Fadhiyey oo Sugayey Gudashadda Waajibaadka Salaadda Jimcaha, ayaa Mar Kaliya Ku Baraarugay Rasaasta uu adeegsanayay shaqsiga weerarka geystay.

Ciidamadda Booliska Waddanka New Zealand ayaa Wali Ku Daba Jira Shakhsiga Weerarka Gaystay.

COMMENTS
Latest News