Gabileynewsonline.com
HIIL HESHEY HIMILADII: Qalinkii Maxamuud-Yaasin Cabdillai Cali
March 22, 2019 - Written by admin

Badhtamihii sanadkii 1991, waxa Geeska Afrika ka dhacey is-bedel siyaasadeed oo mugleh, markii ay mar qudha burbureen labadii xukuumadeed ee ugu awooda badnaa oo colaad qarniyo soo jiitameysey ka dhexeysay. Xukuumadahaa burburey oo muddo dheer ka talinayey waddamada Ethiopia iyo Soomaaliya waxa kale hogaaminaayey Colonel Mugiste Haile Maryam iyo General Maxamed Siyaad Barre, waxaana burburkooda sabab u ahaa jabhadiihii halganka hubeysnaa la galey ee kala ahaa EPLF(Eritrean People’s Liberation Front) iyo SNM(Somali National Movement). Halgankaas oo kala bilaabmey 01 sept 1961 iyo 6 april 1981.

Maanta, 30 sanno kadib, juqraafiyada Geeska Afrika ee Beesha Caalamku aqoonsantahey waa 4 waddan (Ethiopia, Soomaaliya, Djibouti  iyo Eritrea), halka 1991 ka hor ay aheyd  3 waddan (Ethiopia, Soomaaliya iyo Djibouti ). Jabhadii EPLF, markey dalkii Eritrea si buuxda gancanta ugu dhigtey waxey muddo gaaban gudaheed ku guuleysatay ka midha dhalinta hadafkeedi ahaa in ay  Beesha Caalamku u aqoonsato Dal ka madax banana Ethiopia. Haddaba su’aalaha la isweydiin karo ayaa ah : maxaa keeney in jabhadii EPLF ku guuleysatay ka midha dhalinta hadafkeedi, halka Jamhuuriyada Somaliland oo ka dhalatey halgankii SNM ay wali baadigoob ugu jirto aqoonsi siyaasadeed oo ay Beesha Caalamka ka hesho?.

Inta aynaan aqoonsiga siyaasadeed ee Somaliland u gelin, bal aynu dib u yara milicsano halgankii dheeraa, jidkii qodxa badnaa iyo waayihii ururka EPLF usoo marey Xoreynta Dalkiisa, maadama uu maanta xidhiidh la filaayo in uu  sii xoogeysto ka dhex bilaabmey Somaliland iyo Eritrea. Sanadkii 1952 waddamadii ku guuleystey dagaalkii labaad ee Dunida waxey Ethiopia abaal marin u siiyey dalkii Talyaanigu gumeystey ee Eritrea. Toban sano kadib 1962, waxa bilaamey dhaq-dhaqaaqi xoriyad doonka Eritrea oo u hormood ka ahaa ururkii la baxey ELF(Eritrean Liberation Front).  Haddaba sida caadada ah urur kasta oo xoriyad doon ah wuxuu soo maraa marxalado kala duwan, tiiyo mararka qaarna dhacdo in hadafkii ururka loo asaasaey lumo, halkaana dha-dhaqaaqi ku bas-beelo. Nasiib darro ELF kama uu badbaadin carqaladaha lasoo darsa ururada Xoriyad doonka, waxaana sanadkii 1970 ELF dhexdiisa ka qarxey khilaaf xoogan oo soo kala dhex galey madaxdii Ururka.  Khilaafkaas oo salka ku hayey jidka xoreynta waddanka loo marayo, iyo waxa laga yeelayo codsi xukuumadii Ethiopia ee Boqor Haile Selasi ka yimi oo ku saabsanaa in wada-hadal dagaalka lagu soo afjaro. Khilaafaas ELF ka dhex dhashey waxaa kala hogaaminayey Godoomiyaha Ururka, Hamid Idris Awate iyo Isaias Afwerki.  Khilaafkii siyaasadeed oo xal loo wayey ayaa ugu dambeyntii keeney in loo kala jabo laba garab, ELF garabkii hore u jirey iyo garab cusub oo la baxey EPLF, hogaamiyena loogu doortey Isaias Afwerki. Nasiib darro waxa labadii garab ee ELF iyo EPLF ka dhex qarxey dagaal aad loogu hoobtey, xoreyntii waddankana dib u dhac ku keeney. Dagaalkii labada garab oo in ka badan 10 sanno socday ayaa 1981 lasoo afjarey, kadib markii EPLF ee Isaias Afwerki hogaaminayey milateri iyo siyaasiyanba guuleystey. Guushi EPLF kadib waxa la dardar geliyey hadafkii guud ee ahaa xoreynta Waddanka, mar haddi garabkii wadahadalka rabey loo awood sheegtey, lana tirtirey dhamaantii. Khilaafkii siyaasadeed markii awood milateri lagu xaliyey, lana kala adkaadey waxa fududaatey in sanadkii 1991 bishii shanaad Waddankii la xoreyo, kadib markii Xukuumadii Mengeste Haile Maryam burburtey. Aqoonsigii siyaasadeed ee Eritrea heshey 1993, laba sanno kadib xoreyntii Dalka, waxa fududeeyey laba arrimood oo is biirsadey: waa mida koobaadee Ururkii EPLF wuxuu dalka gacanta ku dhigey tiiyo khilaad aanu dhexdisa ka jirin, Madaxdiisa oo mideysan, mucaarid ka daba qeylaya aanu jirin iyo shacab u hogaansan amaradda Dawlada cusub. Arrinta labaad ee Aqoonsigii siyaasadeed ee Eritrea saacidey  waxa ay aheyd arrin “Geopilitics” ah, Waddamo awood ku leh saaxada siyaasada ee Dunida ayaa Eritrea taagero la garab taagnaa.

Sannadkii 1993, Markii AHN, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Borama Madaxweynihii Labaad ee Somaliland loogu doortey waxa uu yidhi “SNM intii ay halganka ku jirtey marna lagama maqal waddanka waanu kala go’neynaa. Agoonsigu maa ahaa wax hadiyad loo bixiyo, dalkayaga markaanu dhisano, dawladayada dejino, bil-qasab buu ku iman, dan baa keeni, dunidu way isku daneystaa, waxa wax walba ka horeeya in dalkayaga aanu dhisano. Haddi dunidu aragto in aanu anagu hawshayada ka soo baxney, oo dawladayadu dalka si buuxda gacantu ugu qabato, nina loga baryimaayo markaas agoonsi. Nimankii wadan xoreyay laba sano ayaa la dayacey. Qolada Eretrea markii ay Asmara galeen, nin walba intii qorigii laga qaadey ayaa mejerafad loo dhiibey, laguna yidhi wadankii waa xor ee shaqeeya, wakhtigii qorigu wuu dhamaadee.”

Somaliland, oo muddo 25 sanno ka badan aheyd waddanka keli ah Geeska Afrika  ku dhaqma dimuqraadiyada Reer Galbeedku ku faanaan ayey haddana dibomaasiyiinta Caalamku indhaha ka dul lalin jireen. Tan iyo gooni isu-taageenii, Xukuumadihii dalka hogaamiyey waxay raadinayeen sidii ay Dunida dereenkeeda u soo jiidan lahaayeen si loo helo maalgashi dhaqaalaheena kor u qaada, saboolnimadana inaga saara. Si kastaba ha ahaatee, tani iyo horaantii sannadkii 2015, markii Jabhada Shiicada xukunkii ka caydhisey Madaxaweynihii Yemen Mansour Xadi iyo bilowgii xulufada Sacuudigu hor kacaya ay soo faragelisey qalalaasaha ka aloosan Yemen, waxa isa soo tarayey isbedel stratejiyadeed oo Mandaqada Geeska Afrika iyo waddamada ku xeeran Bada Cas iyo Gacanka Cadmeed aad looga dareemey. Isbedelka Stratejiyadeed ee ka dhashey dagaalka qarsoon ee u dhexeeyey Sacuudi Carabiya iyo Iraan ayaa indhaha caalamka ku soo jeediyey Somaliland iyo Eritreya.

Somaliland, walow ay tahey wadan Dawladnimadu u dhameystiran tahey, haddana waxey muddo rubuc qarni ah dedaal dheer ugu jirta sidii ay Beesha Caalamka xubin buuxda uga mid noqon laheyd. Faa’iidooyinka Dhaqaale iyo siyaasadeed ee Somaliland ka heshey Salidhiga Emaaraat iyo maalgashida DPW marka laga tago, waxa kale oo xidhiidhka Emaaratka aynu ka dhaxalney Tiir Diblomaasiyadeed oo aynu cuskano. Waana ta maanta keentey in Waddamada Geesku garowsadaan in Somaliland ayna marnaba ka maqnaan Karin isbedelka nabadeed ee Mandaqada uu ka curiyey Ra’isul Wasaaraha Ethiopia, Inskatoo Dawlada Soomaaliya ee taagta darran isku deydey in ay Somaliland go’doon siyaasadeed geliso iyadoo is laheyd ka faa’ideyso dabeysha nabadeed ee Ethioipia ka soo bilaabantey. Nasiib wanaag uma ay suurta gelin oo waxa aad inoo taagerey Isutaga Imaaratka Carabta oo maanta lexejeclo siyaasadeed inaga leh. Emiraatku wuxuu Waddamada Geeska, kuwooga ugu Awooda badan(Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Eritrea) aaminsiiyey in Dadka iyo Dalka Somaliland muhiim u yahey  heshiisyada iyo iskaashiga Geeska Afrika lagu nabadeynayo.

Agoonsiga Siyaasadeed ee Somaliland marka Waddamada Reer Galbeedka la weydiiyo, waxay mar walba iskaga riixi jireen Dalalka deriska la ah Somaliland iyo Soomaaliya. Siyaasadii Arrimaha Debeda ee Somaliland waxey maanta soo hoysey Guul weyn mar haddi 5 waddan oo ka mid ah Urur Goboleedka IGAD(Ethiopia, Eritrea, Sout-Sudan, Kenya iy Uganda) qadiyadeeni gooni-isu taaga garawsadeed. Wafdigii Wasiirka Arrimaha Debbada Eritrea hoogaaminaayey ee Somaliland soo booqdey wuxuu horseed u yahey Waftiyada dhowaan la filayo in ay ka yimaadaan Dalalka Kenya, Uganda, South-Sudan iyo Ethiopia.  Himliadii Shacabka xarrirta ee Somaliland waxey maanta heshey hiil iyo Garab lagu diirsado.

Maxamuud-Yaasin Cabdillai Cali

Brussels,

Belgium

Mederka1966@gmail.com

COMMENTS
Latest News