Xildhibaan Kijaandhe Oo Ka Hadlay Isbedellada Geeska Afrika Iyo Doorka Somaliland
March 22, 2019 - Written by admin
Belfius

Notre passion?Faire la différence ici pour vous. Découvrez comment.
Wararka Wargeyska Waaberi
  • cabdi saxafi
    Mar 21 at 1:20 PM

    Dawladda Ereteriya Oo La Filayo In Ay Door Ka Qaadato Wada Hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

    Dib U Milicso Khudbad Madaxweyne Biixi Ku Ammaanay Madaxweyne Afawerki Iskuna Barbardhigay Marxaladaha Somaliland iyo Ereteriya

    Hargeysa(Waaberi) Dowlada Erateriya ayaa la sheegay inay door mihiim ah ka ciyaari doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado inay dib u furmi doonaan dhawaan, iyadoo todobaadkan dalka ay socdaal ku yimadeen wefti culus oo ka socda Dowlada Erateriya oo usoo diray Madaxqweynaha Dalkaa Isaias Afwerki ,kuwaas oo kullamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, isla markaana socdaal ku tegay xarumaha siyaasadda dalka laga jaan-gooyo goobo kale

    Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u sheegay inuu Madaxweynaha dalka Erateriya uu door mihiim ah ka ciyaarayo is badelka Geeska Afrika ka curtay , isagoo ku amaanay Mr Isaias Afwerki halgankii uu soo galay gobanimadoonkii dalkiisa Erateriya, waxaanu u dhignaa hadalka Madaxweyne Biixi sidan“Dabaysha ka socota ee la yidhi nabadayta geeska Afrika iyo waa laga midoobayaa ay Dowladaha qaarkood ku dhawaqeen , waxa u hormood ah Madaxweynaha erateriya Isaias Afwerki  intii uu noolaa ilaa maalintuu isagoo injineer bilaabay sanadka uu horeeya uu ka tegay ilaa maanta wuxuu ku jiray Dagaal uu gobanimada ugu doonayo Erateriya 32 sano dagaal ayuu ku jiray markii dagaalkii uu dhammaday Itoobiya ayaa cod ka qaaday  oo Xorriyad ayuu ku qaatay , haddan Itoobiya ayey is dileen oo ay dal isku qabsadeen dad badan oo malaayiin gaadha ayaa ku dhintay haddana 11 sano oo kale ayuu gadoon ahaa oo uu u adkaystay cadaasit kasta oo la saaray, inuu u hoggaansamo gudidii jimciyada quruumaha ka dhaxasa ee shirkii Algerias inuu aqbalo isagoo uga diiday afar mitir oo dadlkiisa oo Baadhama Tuullada ah  xadka u jirta in laga qaado oo cid kale la siiyo ayuu tu wal-ba u maray tiisii ayey noqotay caalamka oo dhan ayaa halkiisii ugu yimi Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa la idhi ugu tag Asmara adigu oo dhulkii dhulkii aad ku muranteena sii isagana talada ka qaado , wuxuu muujiyey inuu muraadkii uu dalkiisu lahaa halgan uu uga hadhi waayey ilaa cidii ku haysatay uu ku xukuntay.”

    Waxaanu intaasi ku daray Madaxweyne Biixi in qadiyada Somaliland ay ka sii adagtahay taa uu kasoo waramay ee Dalka Erateriya “Somaliland kaa wey ka sii adag tahay .”Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi

    Dhanka kalene Ismaaciil Xuseen Farjar, oo ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda ee loo soo gaabiyo magaceeda CPA oo la hadlay Tv-ga goobjoog, ayaa ka haddlay weftigii ka socda Ereteriya ee Somaliland socdaalka ku yimi “Weftigan Erateriya marka aad eegtid sida uu sheegay Wasiirkooda war-faafintu laba ujeeddo ayaa ugu waa weynaa wax-yaabaha ay u yimadeen mid waxa weeye inay arrinta Somaliland dib u eegaan oo xidhiidh cusub ay bilaabaan, qodobka labaadna wuxuu ahaa is dhex-galka nabada ee Geeska Afrika ka socda .”

    Waxaanu Ismaaciil Xuseen Farjar xusay inuu is badel weyni uu ku yimi arragtidii siyaasadda Erateriya eek u aadanay Somaliland “Markaa marka aad eegtid safarkoodan ay ku yimadeen oo laba nin oo aad u cul-culus , marka laga eego arrimaha diblamaasiyadda ee dalka erateriya ay ku yimadeen Somaliland gaar ahaan la taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha eratariya ee Madaxweyne  Isaias Afwerki   iyo wasiirka Arrimaha debada,waxay muujinaysaa in is badel weyni uu ku yimi siyaasaddii dalka erateriya ee ku aadanay Somaliland , waayo waxaynu naqaanay in erateriya in badan aanay la dhacsanay Somaliland oo ay aad aragtideedu u jan-jeedhay dhinaca Somaaliya iyo is raacsanaanta dhul ahaaneed ,

    Ismaaciil Xuseen Farjar oo haddalkiisa siiwata ayaa sheegay “hase ahaatee waxa muuqata iminka arrintan oo weliba arrinta xiisaha lihi ay tahay in aanay safarkoodu ahayn mid siyaasadeed oo keliya hase ahaatee uu xidhiidh cusub in la abuuro uu yahay , wax aka marag kacay muddo saddex maal-mood ah ayey Somaliland joogeen, waxay bookhdeen Jaamacadihii waxay bookhdeen xarumihii siyaasadda, waxay bookhdeen goobihii makhaayadaha caadiga ah magaalada dhinac walba wey dhex-qadeen taasi waxay muujinaysaa oo marag u tahay in erateriya ay wakhtigan ka go’antahay inay wax badan ka Badesho siyaasadoodii ku aadanay Somaliland, waxaad moodaa inuu baal cusubi uu u furmaay Xidhiidhka Somaliland iyo erateriya .”Ayuu yidhi Ismaaciil Xuseen Farjar

    Dhanka kanela Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa sheegay inay Erateriya ay door ku yaalan doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya,“Door mihiim ah ayey ku yeelan kartaa laba arrimood-ba mar erateriya waxay haatan xubin fir-fircoon ka tahay urur goboleedka IGAD , markaa IGAD-na waa dadka gobolka ee ugu dhow arrinta Soomaalida in go’aan laga gaadho , qodobla labaadna waxa weeye Erateriya waxay saxiib dhow wakhti dheer la’ahayd Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajona aad ayey iskugu dhow yihiin marka aad iminka eegtid siyaasadda erateriya xiligii inoogu dambaysay, markaa saamayn badan ayey ku yeelan kartaa .”

     

    Baarlamaanka Iyo Xukuumadda Oo Isku Maandhaafsan Lacagta Laga Qaado Dadka Qaadanaya Taarikada Cusub Ee Gaadiidka

    “Awood Uma Laha Baarlamaanku In Uu Laalo Shaqo Socota Laakiin, Wuxuu Awood U Leeyahay In Uu Wax Naga Waydiiyo Tacriifadda,” Wasiir Cabdillaahi Abokor

    Hargeysa(Waaberi) Xukuumadda Somaliland ayaa ku adkaysanaysa qaaddidda lacagta lixda boqol ee kun ah ee laga qaadayo dadka bedelanaya Taarikada kuwaas oo qaadanaya nashqada cusub ee xukuumadda madaxweyne Biixi samaysay. Baarlamaanka gaar ahaana Golaha Wakiillada oo miisaaniyadda ka reebay qaadista lacagtan ayaa si adag ugu sheegay xukuumadda in aanay lacagtaasi qaadin kadib markii ay dhawaan soo baxday in xukuumaddu qiimo dhimis u sameysay dadka qaadanaya inta u dhexeysa Maarij iyo Juun.

    Guddida Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha wakiillada, ayaa Salaasadii kulan la qaatay wasiirka gaadiidka iyo jidadka Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan waxaanay si adag guddidu si adag ugu sheegtay wasiirka in aan la sii wadin qaadista lacagtan sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga golaha oo laga soo saaray kulanka laakiin, wasiirka oo kulanka kadib saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in aanu goluhu xaq u lahayn laalidda shaqo socota.

    Kulankan ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada Somaliland,oo uu guddoominayay  Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddiddaas Maxamuud Axmed Obsiiye, ayaa qoraal laga soo saaray oo lagu daabacay bogga Golaha Wakiillada lagu yidhi “Guddida ayaa si adag wasiirka ugala hadashay inay joojiyaan Lacagta 600 ee kun ah ee ay qaadayaan Taarikada cusub maaddaama Goluhu hore u laalay sharcinimadeeda markii miisaaniyadda la ansixinayay, isla markaana waxay guddidu wasiirka indhaha u saartay Go’aankii golaha iyo Lifaaqyadii Miisaaniyadda ku lamaanaa kuwii la laalay iyo kuwii la ansixiyey in la qaado.”

    Qoraalka guddidu ka soo saartay kulanka ayaa lagu sheegay in wasiir Cabdillaahi Abokor arrinta isaga riixay wasaaradda maaliyadda “Wasiirka ayaa Guddida u sheegay inaanay wasaaraddiisu arrintan ka warhaynin isla markaana ay guddidu wasaaradda maaliyadda kala xidhiidho arintan,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka guddida ka soo baxay.

    Hase ahaatee wasiirka oo wariyeyaashu markii uu kulanka ka baxay waydiiyeen sharcinimada lacagtan baarlamaanku hore u laalay ayaa sheegay in aanu Goluhu laali Karin shaqo socota :“Horta shaqo lama laalo, waa shaqo weeyaan , waxaana waajibinaya xeer 56, 2013 qodobkiisa 48-aad ,markaa shaqo la laalayaa ma jirto Awood uma laha Baarlamaanku inuu laalo shaqo socota , laakiin awood wuxuu u leeyahay inuu wax naga weydiiyo tacriifadda taana waanu ka wada hadalnay.”Ayuu yidhi Wasiir Abokor .

    Lacagtan ayaa ah Tacriifad wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadku abuurtay una gudbisay wasaaradda maaliyadda laakiin, Goluhu ku daray tacriifado aanu ogolaan oo laga reebay miisaaniyadda 2019.

    Muwaadiniinta ayay wasaaraddu u qorshaysay in ay muddo lix bilood ah si iskood ah u bedeshaan taarikada waxaanu wakhtigaasi kaga eeka bishan Maarij waxaanay wasaaraddu dhawaan shaacisay in ilaa bisha June qiimo dhimis loo sameeyay dadka aan wali bedelan mudddadaasna ay ku bedeshaan.

    Arrintan ayaa hadal hayn badan ka abuurtay in wasaaraddu tacriifado waajibiso marka ay doontana qiimo dhimis u sameyso taas ayayna u muuqata in ay keentay kulanka baarlamaanku la qaatay wasiir Cabdillaahi Abokor oo u muuqda in aanu ku qancin dalabka guddida.

    Qodobka sharci ee wasiirku cuskaday ayaa ku saabsan samaynta taarikada laakiin, kama hadlayo lacagta ama tacriifadda oo ah tan muranku ka taaggan yahay waxaana sida caadiga ah xalaaleeya tacriifadaha golaha wakiillada.

    Xildhibaan Nacnac Oo Sheegay In Ereteriya Qaddiyadda Somaliland Gaynayso IGAD

    Waxa Uu Sheegay In Wasiirka Arrimaha Dibadda Ereteriya Ay Cajab Galiyeen Waxyaabaha Uu Somaliland ku Arkay

    Hargeysa(Waaberi) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland , ayaa ka hadlay hiilkii ay Somaliland u fidisay Dowladda Jabuuti xilligii ay dagaalamayeen Dalka Ereteriya, waxaanu sheegay inuu hiilkaasi ahaa mid aan laga fikirin. Waxa uu soo dhaweeyay xulufo cusub oo ay samaystaan Somaliland iyo Ereteriya taas oo uu ku tilmaamay mid ka wanaagsan tan Jabuuti.

    Xildhibaan Nac-nac ayaa Wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Waaberi, waxaanu ugu horayn ka hadlay weftiga Ereteriya ee Somaliland yimid “Waxay u dhigan tahay wuu inoo hiiliyey, waxay u dhigan tahay markuu Somaliland yimid dadkaa degan inuu Adduun weynaha tuso inaynu dal jira oo degan oo ismaamula oo calan leh oo Lacag leh oo wax walba leh nahay oo baarlamaan leh oo guurti leh ayuu Adduun weynaha gaadhsiinayaa wuu yaabay, Adduun weynaha ayuu ina barayaa Afrika oo dhanba albaabka ayuu inoo furayaa isagana weynakii nidhi ahlan wasahlan walaal, walaalkayo ayaa tahay waxaad noo dhaantaa walaalkaan la midownay ee naga tegay ee na dilay ee todobaatanka kun in ka badan naga diley ee aanu leenahay Itoobiya iyo Ereteriyaba  kala tegoo heshiiyee aynu heshiino,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Nacnac.

    Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in socdaalka weftiga Ereteriya ay ku yimaadeen Somaliland ay fariin u tahay maamulka Muqdisho “Kaana wax ayuu tusayaa oo wuxuu leeyahay annaga iyo Itoobiyaba waanagii heshiinee , walaalkiin la heshiiya oo laba dowladood oo walaalo ah oo jaar ah noqda , Bariga Afrika wanaageedii ayeynu noqnay oo hadhow talaabo ayaanu ka qaadanaynaa , markaa Geeska Afrika ayaanu ka qayb-gelaynaa midowgaa la samaynayo, laakiin maanta haddii annaga sidaa na looga tago midowna gelimayno Eratariya ayaanu la walaaloobaynaa walaalkayo waakaas .”Ayuu yidhi Nac-nac

    Dhanka kalena Xidlhibaan Nac-nac ayaa Dowlada Jabuuti farriin u diray waxaanu sheegay in ay Somaliland Hiil walaal la noqonayso Dowlada Ereteriya, halka ay Jabuuti hiil walaal u noqotay Muqdisho “Hiil walaal qoladan Jabuutina waxaanu tusaynaa hiilka aad u hiilinayseen Muqdisho annaga ayaa idiinka dhow . Eteteriya oo weliba Barigii aanu idiinka hiilinay wakaa maanta noo yimid ee soo dhawaada yidhi , wax ku qaata ayaanu leenahay , maanta waxaanu leenahay Jabuuti annaga waxa noo kiin dhaama oo naga kiin xiga ninkaa Erateriya ayaa noo kiin dhaama .”

    Ugu Dambeyn Xildhibaan Axmed ayaa sheegay “wuxuu yidhi IGAD ayaan geynayaa wa laga doodayaa wuu yaabay wadankan degan ee Lacagtu suuq-yada taalo ee aan juuq loo odhanayn ee dumuqraadiyadu ka jirto ayuu la yaabsan-yahay, markaa doodaa IGAD ayuu geynayaa wuxuu leeyahay waar dad ayaanu aragnay dad la lumiyey ayaanu aragnay oo la ilaaway ee bal kaalaya soo arka ayaanu leenahay .”Ayuu yidhi Nac-nac

    Xildhibaan Kijaandhe Oo Ka Hadlay Isbedellada Geeska Afrika Iyo Doorka Somaliland

    Hargeysa(Waaberi) Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe , ayaa sheegay inay Somaliland-tii 1960 dib ugu soo noqonayso saaxadda, isla markaana ay door muuqda ka ciyaari doonto is bedelka ka socda Geeska Afrika, waxaanu ishaaray ifafaalaha muuqda hadda, isagoo sheegay inay soo noqonayso muhiimaddii ay Somaliland ku lahayd caalamka.

    Xildhibaan Axmed Kijaandhe oo la hadlayey Wargeyska Waaberi, ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan “Horta sideedaba  gobolkan muhiim ayeynu ka ahaan jirnay , waxa weeye xataa dagaaladii Adduunka, siyaasadaha iyo xadadkii la sameeyey waxaas oo dhan qayb ayeynu ka ahayn. Anniga midh muhim ah ayaa ii muuqata halkii aynu kaga jirnay ayeynu ku soo noqonaynaa markaa dad badan oo ka shakisani cagaha dhulka haku qabteen, wax laga wer-weraa ma jiraan arrinkeena gacanta ayeynu ku haynaa muhiimaddii aynu lahayn ayaa soo noqonaysa, wax yaabaha soo celinaya waxa ka mid ah taasuun mahaa, waxa soo celinayaa Dekedaa Berbera ee nimankaasi yidhaah-deen waanu idiin maalgelinaynaa.”

    Waxa kale oo uu sheegay in imaansha weftiga Ereteriya ee dalka ay muhiim inoo tahay , isla markaana ay fariin u tahay bulshada caalamka “Imaashiyihiisa oo qudha ayaa fariin diraysa, waxaa leeyahay yaan aad loo fidin oo dad aan waxaanay geyin helay ha inaga dhigina oo aan la jilcin ayaan leeyahay saaxafadda oo aan la mudmudin  arrinka halkaas ayeynu ku xidhaynaa ninkii wuu yimi si wanaagsan ayaa loo soo dhaweeyey .”Ayuu yidhi Axmed Kijaandhe

    Dhanka kalene Xildhibaan Kijaandhe ayaa ka hadlay maamulka Muqdisho ee “Waxaan ku leeyahay Somalia horta waxa helay ciyaala reer Xamar ayaa helay , maanta madax-da waa ciyaala reer Xamar aan siyaasad wax-ba ka garanayn oo kolba gebi dhaclaynaya , ninkan Madaxweynaha ka ahina waa geed sarre waab dhibaatooyin adag ayaa haysta illaahay waxaanu uga baryeynaa inuu illaahay ka saaro ,wakaa maanta ciidamadii ay forantii kasoo baxay ee aan afarta bilood qaadan mushahar , markaa ninkii suudh xidhan lahaaba iyo cumaada u qaadan lahaa tan maaha waa inuu surwaal gaaban xidho oo dhibaatooyinkaa siduu u xalin lahaa aasaasiga ah ee ka jira dalka uu falowgeed sameeyo , dadka isku soo dhaweeyo Somaliland afsoomaali wanaagsan ula yimaado kolba intuu ka dego Abbey Ahmed ,Marba inuu god yar usoo gala, Somaliland ku noqon mayso Somaaliya in xadhig khaldan la xidho Somaliland ku noqon mayso Somaaliya , waxa ka wanaagsan si ragganimo leh inta la isku hor fadhiisto la wada hadlo la yidhaah waar maxaa damac deen oo la ixtiraamo rabbitaanka dadka , waxaan leeyahay arrimahooga ha hagaajisteen oo ha xalistaan taas ayaa wax walba ka horeeya .”

COMMENTS
Latest News