Muqdisho: Wasiir ku-xigeenkii shaqada iyo shaqaalaha oo lagu dilay weerarradii maanta
March 23, 2019 - Written by admin

Muqdisho: Wasiir ku-xigeenkii shaqada iyo shaqaalaha oo lagu dilay weerarradii maanta

0
117
    

Mugdisho,(HargeisaPress)—Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa maanta ku geeriyooday weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu qaaday xarunta Wasaarradda.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxana gaaridiisa xaqiijiyay qaar ka mid ah golaha Wasiirradda.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, isla markaana dabley ka tirsan ay gudaha ugu jiraan dhismaha wasaaradda.

Dhinaca kale ciidamad dowladda ayaa sheegay in ay soo afjareen weerarkii wasaarradda iyaga oo toogasho ku dilay afar dabley ah.

Dhismaha la weeraray ayaa waxaa degan labo Wasaaradood oo kala ah Wasaaradda Howlaha Guud iyo Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha.

COMMENTS
Latest News