Tacsi Uu dirayo Madaxweyne Muuse Biixi Axmed
March 26, 2019 - Written by admin

  

 


Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 26/03/2019

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Golaha Barlamaanka Somaliland, gaar ahaan golaha Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum XildhibaanIbraahim Ciise Buux oo ku geeriyooday xalay  oo ay taariikhdu ahayd 26/03/2019, Magaalada Boorama

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay dalka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Golaha Barlamaanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
Latest News