Published:

Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo ka mid ah Xildhibanaada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xadhiga Xildhibaan Dhakool, iyo hadalkii ka soo yeedhay ee ku saabsanaa Xuska 18-may, waxaanu tilmaamay in Xildhibaanka sharaftiisa ahayn inuu wax ka sheego 18-may, iyo inuu kala saaro Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiin.

Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo u waramay Wareyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay kulankii ugu horeeyey ee dhexmaray isaga iyo ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdi Waraabe, waxaanu kulankaasi uu ku tilmaamay inuu ahaa kulankaas oo ahaa 1967 uu ahaa mid layaab leh, oo aad ugu qushuucay Xaaji Cabdi Waraabe, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Xildhibaan Dhakool “Xildhibaan Dhakool, dhawr iyo toban sanno ayaanu Golaha ka wada tirsan nahay, inuu hadalkan oo kale ka soo yeedhayana ilamay ahayn, 18-mayna waa maalin qaran, mana ah maalin madaw, 18-may gaar uma ah Beesha dhexe oo qudha ee waa astaan ay wada leeyihiin guud ahaan Beelaha iyo Shacabka reer Somaliland, Xildhibaan Dhakoolna waxaan leeyahay Shacabka ha ku kala qaybin qabyaalad, cadaafidna looma baahna”.

Xildhibaan Mataan Hoori mar uu ka hadlaayey kulankii ugu horeeyey ee uu la yeeshay ALLE ha u naxariiste Xaaji Cabdiwaraabe ayaa yidhi “1967 Anigoo dhigta Dugsigii tababarka Macalimiinta ee Afgooye, ayaa inta badan Maalinta Jimcaha oo aanu fasax ahayn ayaan u iman jiray Shakiib Suldaan, oo isna dhigta Banaadir, maalintaas Jimcahana waxaanu u tagi jirnay aniga iyo Shakiib, Rashiid Suldaan, oo Shakiib adeerkii ahaa oo markaas xil hayey,waxaana ugu tagi jirnay si aanu hadba uga soo qaadano waxaanu u baahan nahay”.

Xildhibaan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Maalin Jimco ah ayaan u yimid Shakiib, markii aanu u yimidba, wuxuu igu yidhi “Rashiid Hargeysa ayuu tagay, laakiin Xaaji Cabdi Waraabe oo yimid oo Ceel-gaab ku soo dagay ayeynu u tagaynaa ee ina mari”,

Kadibna waanu iska soo raacnay, aniga iyo Shakiib iyo waliba laba Inamood oo Shakiib Banaadiir wada dhigan jireen, kadibna waxaanu u nimid Xaaji Cabdi Waraabe, markii ay Shakiib is wareysteen, ayuu Xaaji Cabdi Waraabe Shakiib ku yidhi “Inamadani waayo”. Shakiib ayaa markaas ku yidhi “Inankani waa Inan aanu ilmaamti nahay oo Arab ah, labadan Inamood ee kale isku fasal baanu nahay, oo waa Habar Yoonis”, Xaaji Cabdi Waraabe ayaa markaas aniga igu soo jeestay oo igu yidhi “Adeer yaad Arab ka tahay”, waxaan ku yidhi “Guulane ayaan ka ahay”, haddana wuxuu igu yidhi “Guulane yaad ka sii tahay”, markaas ayaan ku yidhi “Xasan Guulane ayaan ka ahay”, markaas ayuu haddana igu yidhi “Ina ayo ayaad tahay”, kadibna waaan ku yidhi “Ina Muxumed Hoori ayaan ahay” markaas ayaa yidhi “Aabaha Muxumed Hoori habeen hore ayaanu wada joognay, oo dooxa ayaanu ka soo wada talawnay, oo imuu sheegin inaad halkan joogto, aniguna umaan sheegin inaan halkan imanayo, oo aan u soo socdo, wuxuu se ii sheegay in reerkii oo dhami nabad qabo, marka laga reebo adhigiinii oo waraabe u soo dhacay oo todoba neef dilay, qaarna dhaawacay”.

Markaas kadib ayuu haddana nagu yidhi “Caruuray ba’ ilmaamti ma tihidin ee Abti Adeer baad u tahay Shakiib”

Intaas kadib ayuu haddana labadii Inamood ee kale uu ku soo jeestay wuxuunu ku yidhi “Adeer Habar Yoonis yaad ka tihiin”, labadii inamadood ayaa cidii ay ka ahaayeen u sheegay, waxaana waliba jecel ahay in laba ka mid ah sheegteen Muuse Care, Muuse Ismaaciil iyo Muuse Cabdale, kadibna Xaajiga ayaa inamadii ku yidhi “Horta idin odhan maayo ilma ayaad tihin, waxaana khalad ahayd inaan idin yidhaahdo yaad ka tihiin Habar Yoonis, maxaa yeelay oodi hab ka dhaw, inankaas aan adhigoodii uga waramayo ayaanu is xignaa, oo aanu isku deegaan iyo isku daaqba nahay”.

Xildhibaan Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Dhab ahaan aad iyo aad baan ugu qushuucay qaabka aan kula kulmay,aniga, Shakiib iyo labadii Inamood oo kalena si fiican buu noo qaabilay, markaas ALLE ha u naxariisto, ee wuxuu ahaa samo wade, wanaaga iyo nabada jecel, waxaana tusaale inoogu filin, sida milgaha iyo maamuska lahayd ee uu ka yeelay ninkii aabihii dilay iyo raggii inankiisi Carab dilay, maalin Jimce ah oo waliba Ramadaan ah ayuu dhintay, ee ALLE godka ha u nuuro, oo jannadii ha ka waraabiyo”

Source: Geeska Afrika

News Related