GUDOOMIYAHA DAHADSHIIL G/AWDAL OO LASHEEGAY INUU KUDAGAALAMAY 5OO$ OO AYLAHAYD ASARDA IYO DAREENKA BULSHADA REER AWDAL.
May 31, 2019 - Written by maxamed jeex

GUDOOMIYAHA DAHADSHIIL G/AWDAL OO LASHEEGAY INUU KUDAGAALAMAY 5OO$ OO AYLAHAYD ASARDA IYO DAREENKA BULSHADA REER AWDAL.

Sida aad lasocotaan waxaa beryahan danbe bulshada reer awdal dibad iyo gudaba aad u hadal hayeen arin dhegohoodu qaadankari la,yihiin taasoo kadhalatay naburo sida lasheegay lagaadhsiiyey maareeyihii hay,ada wadani ah ee asarda oo ah urur kashaqeeya horumarinta wadooyinka awdal.

Hadaba waxa arin fajiciso ama mucjiso ah kunoqotay bulshada reer awdal in gudoomiyaha dahabshiil group iyo ganacsade kale gacan saareen maareeyihii asarda oo ay marka horeba iyagu umagacaabeen,hadaba suaashu waxay tahay iyada oo la ogyahay dahabshiil mustawaha qiimaha ay kuleedahay dalka iyo dibadiisa isla markaana laga filaayey inay kaalinta dibudhiska gobolka awdal ay kagaabisay wax kabedesho ,waxay arintani uquus goysay bulshadii reer borama ee karajo sugaysay dahabshiilka borama inuu la midnoqdo branchska gobolada kale ee horumarka kusuntan kaasoo indhaha bulshada kusoojeedisay inaanu maamulka guud ee dahabshiil qaadhaanka gobolka kagaabine maamulka xafiiska borama ciladu kuqarsoonayd.

Ugu danbayn asarda waa hanti ay sameeyeen muwaadiniin reer awdal ah lkn Mr. riiraash  waxa laga sugayaa sida uu ceebtaa uga maydho shirkada dahabshiil group bulshada reer borama na waxay kafikirayaan sidii ay maamul cusub ugu dooran lahaayeen  asarda,maamulka guud ee dahabshiilna waxaa looga fadhiyaa sidii ay dib iskugu bari lahaayeen dahabshiil iyo bulshada awdal, hadii kale waxa siifogaanaya aaminkii bulshada awdal ku qabtay dahabshiil borama iyo guud ahaanba.

Drbulxanberberawi@gmail.com

By Dr bulxan berberawi

Russia moscow

COMMENTS
Latest News