Published:

Dabayaaqaddii sanadii 1992 , goor habeenimo ah waxaa ka dhacday Magaaladda Hargaysa dhacdo naxdin badnayd oo ahayd geeridii Marxuum Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi Qani iyo dad kale , dhacdadaas oo ahayd dhul-gariir wayn oo culayskiisa lahaa .

Subaxnimadiiba waxaa dhulka qabsatay ciiro madow , dadku wuu kala shakiyey , wadnaha ayaana farta lagaga hayay in dhacdadaasi horseedo colaad sokeeyo oo laggu hoobto .

Iyaddoo arrinti meel adag marayso , ayaa waxaa kusoo biiray warar sheegayay in la damcay in Marxuumka (Suldaanka ) loo qaado meel kale oo aan Hargaysa laggu aasin , arrintaasina cabdisii jirtay ayay cirka ku shareertay .

Iyadoo Xaalku heerkaa marayo ayuu Xaaji Cabdi soo kacay , isagoo aan hareeraha eegin ayaanu Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ugu tagay gurigiisa waanu soo qaaday , ka dibna wuxuu tagay halkii maydka Suldaanku yaalay , waxaanu yidhi ” Suldaanku suldankayagii buu ahaa , anaga ayaanu naga naga dhintay oo aasanayna meela loo qaadi maayo ”.

Taladaa Xaaji Cabdina waa la isla qaatay , isla maalintaas ayaana Suldaankii Hargaysa laggu aasay , suldaankii badalanayna la caleemo saaray , Weli waxaan xasuustaa sidii dareenkii kacsanaa markiiba isu badalay iyo qiiradii suldaanka cusub laggu caleemo saaray , iyo waliba halku dhigii ahaa , Ka naxoow nafta waa ee dadku ku tiraabayeen .

Xaaji Cabdi wuxuu ahaa dab-demis mucjiso ah , bakhtiinta foolkaanayaasha colaadeed ku xeel dheer .
Axmed nuur Guruuje

News Related