Xisbiga Waddani Oo Shuruud Ku Xidhay Doorashooyinka Soo Socda
June 15, 2019 - Written by admin

Soomaaliland waxa aan weli xal waara loo helin khilaafka dhinaca siyaasada ee u dhaxeeya Xisbiyadda Mucaaradka iyo muxaafadka.

Muranka u badan ee xisbiyadda Kulmiye, UCID iyo waddani u dhaxeeya ayaa ku arooraya Guddiga Doorashooyinka oo laba ay dhinac ka taagan yihiin, halka uu xisbiga Waddani isku adkaysanayo ilaa hadda in aanay ka qayb galayn doorasho ay dhexdhexaadinayaan.

Beesha Caalamka oo dhexdhexaadin ka dhex waday  Xisbiyadda Siyaasadda soomaaliland ayaa weli iyaguna ka dhursugaya heshiis ay dhex mara.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo qoraal kooban soo dhigay degalka uu ku leeyahay Facebookga ayaa  sheegay in uu xisbigoodu diyaar u yahay ka qayb galka doorashooyinka, hasayeeshee waxa uu sii dabo dhigay, shuruud ah in marka hore la dhamaystiro caqabaddo uu sheegay in ay ku gedaaman yihiin Doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda, taas oo ah guddiga doorashooyinka bedelkooda.

Waxaanu dhinaca kale xusay in ay qabsoomida doorashooyinkaasi u yaalaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu ku yidhi qoraalkaasi

Xilka qabashada doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee Wakiilada iyo Deegaankuba waxa uu saaran yahay Madaxweyne Muuse Biixi.

Haddii berri la qabanayo doorashooyinka Xisbiga WADDANI waa u diyaar.

Waxa aanu diyaar u nahay in qabyooyinka doorashada ee uu dhismaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku ugu horeeyo in miiska wada-hadalka lagu dhammeeyo.

Si kastaba ha ahaatee ilaa iminka muuqato waan-waan laga dhex waddo xisbiyadda Siyaasada Soomaaliland, kuwaas oo la isugu soo dhaweynayo sidii ay uga qayb geli lahaayeen doorashooyinka soo socda.

COMMENTS
Latest News