Gabileynewsonline.com
Xulka maansada iyo Xuska Abwaanka Saxadiid Maxamed Cilmi “Jabiye”(IHUN). Bahda Mareegta Farsahxan
June 16, 2019 - Written by admin

Xulka maansada iyo Xuska Abwaanka
Saxadiid Maxamed Cilmi “Jabiye”(IHUN).
Bahda Mareegta Farsahxan
Juun 15, 2019
“Saxardiid hagoog siduu u galay heesna tirin waaye
intii uu kadeedkani hirgalay muu halaanhaline
sababtuu fankii uga hadhgalay la hubsan doonee”
Abwaan Cali Aadan Banfas (IHUN).
Gama’ kuuma ekee, Guud-haldhaaleeyeey!
Filkaa wuu guddiyoo, goor horuu guntadee.
Gama’ kuuma ekee, waa inaad guntataan,
God madaw taladiina ama aad ku gurtaan.
Geelii aad dhiqi layd, guluf baa la tegoo,
Ishaad gaaxsan lahayd, waa lagaa gudhiyee.
Waa inaad guntataan, guud-haldhaaleeyeey.
Abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” (IHUN)

Geeridu waa xaq oo qof walba way helaysaa, hase yeeshee way kala xanuun badan yihiin, kalana dareen culus yihiin.Maanta mar aan is idhi ka wardoon Maandeeq ayey indhahaygu qabteen ka waranka geerida haleeshay abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” . Ilaahay waxaan uga baryeynaa Jannatu Fardawsa inuu ugu deeqo.
Ururinta sooyaalkiisa oon muddo badan ku dhex jiray ayaa ii suurtogelineysa inaan si dhib yar idiinla wadaago sooyaalkiisa nololeed iyo maanseed. Aad baan uga xumahay inaan waqtigu ii saamixin, Illahayna ii qorin inaan isagoo nool u sheego wanaaga uu ummada reer Soomaaliland u galay iyo siduu ugu soo halgamey. Ilaa 1954kii wuxuu abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” qayb laxaad leh ka soo qaatey halgankii ay bulshada reer Soomaaliland ku hanatey xoriyadii 26 Juun 1960,
xidigtaa muuqatee na maydhaantee
dhaaxaan murugiyo haraad la mutaye
maantay curatooy mataanaysee
aan maalo hasheena maandeeq

dhaaxaan melif iyo rasaas u mutaye
waa maalin horle oon isoo marine
magowdoo candhadii golaha marisee
aan maalo hasheena maandeeq

Sidoo kale ayuu markii guushaas la boqno-gooyey uu abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” dib u yagleelay hawlgal halgameed lagu soo xero celinayo Maandeeq. Gu’gii 1961 oo uu dib u hanoqaadey halgankii dib u soo xerogeynta Maandeeq ayuu qirayey in gefka laga galay Maandeeq ay bulshada iyo hogaankii siyaasadeed ee xilligaa ee reer Soomaaliland lahaayeen. Waxaa kaliya ee gudboona uu yahay in loo hawlgalo dib u soo celinta Maandeeq.Waxaanu yidhi abwaanku:
Midho geedka ku yaala Gunti dar aad ku hayso
U gadiggu ma fiicne Maanta garawsadaye
Anigu isku gaystoo Galabsaday xumaantee
Wixii ila garaadoow Gobonimo ha tuurina
Wuxuu abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” ka mid ahaa dadka tirada yar ee aan fanka iyo sugaanta u adeegsan quud ka raadin ama shaqo. Had iyo jeer abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” wuxuu lahaa shaqo u gaar ah oo ka raadiyo risiqiisa . Isagoo arintaa ka hadlayana waa kii lahaa “ Nin waliba wuxuu leeyahay jiho gooniya ayuu leeyahay,qaar waxay jecel yihiin fanka inay ka dhigtaan cunno aniguna muruqayga ayaan ka dhiganayey cunno laakiin waxani waxaa weeyey shucuur, oo shuccurtu markay i dhaqaaqdo ayaan dabadeetana xagga fanka u soo kici jiray”
Qoraalo taxane ah ayeynu insha Allah ka diyaarin doonaa, ilaa aynu ka gaadhno intaynu awood u yeelano sooyaalkiisa nololeed iyo hal-abuur ee abwaanka.
Qaybtii 1 aad:
“Qaranimadu waa sharaf qiimaysa Aadmiga,
qaaradaha ku kala nool, qal-qalooca neceb,
qolo-qolana aan geyin, qab-qab-dhaafay baa dilay,
ninka qar iyo buur, iyo isku taaga qow,
ee qoomaal yidhaahdow aday kugu qaladan tahay”.
Abwaan Saardiid Jabiye (IHUN) markii ololaha doorashada Soomaliland
“Heestii ugu horaysay ee tisqaadaa waxay ahayd hees wadani ah oo ka hadlaysay markii “Reserve Area” la bixiyay 1954kii” ayuu yidhi abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” oo ka warcelinayey waydiin aheyd markii uu ugu horeysay ee uu tiriyey maanso hano-qaada.

Gu’gii 1954kii ayaa ka mid ah gu’yaasha bulshada reer Soomaaliland iyo Kilinka shanaad ee Itoobiya ay aad u xasuusato, dareen murugo lehna ku keena. Waa gu’gii dawladii Ingiriisku soo dhameystirtay wareejintii dhulkii soomaaliyeed ee Hawd and reserve Area. Dareenka dhamaan bulshadii reer Soomaaliland iyo Kilinka shanaad ayaa aad isku badaley.Dooxa Hargeysa ayaa la iskugu soo baxey iyadoo dhamaan dadku ay madaxa ku soo xidheen weer cad si ay muuqaal ahaana u soo bandhigaan dareenkooga qoonmey. Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” oo da’ ahaan ku aadanaa xilligaa ilaa 16 jir ayaa uurku-taaladaasi ku kaliftey inuu maansadiisi ugu horeysay ee tisqaada dhagaha bulshadii dareekoogu kacsanaa la wadaagey. abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” waxaa
Ma suurawday maanta Sabiguna
inuu seexdo Saacan foorara
Sifihii Nabigii inoo dhigay (s.c.w)
Iyo waxa Ina sugaaya suurtiye
Socoyoo wadankii la sii cadaweey
Sabaalo hadhayee ,ka sara kaca
Biyahaan sara tagin Haduu doox socdo
sud xalufa Looma sahansado
Socoyoo wadankii la sii cadaweey
Sabaalo hadhayee ka sara kaca.
Dadka iminka ee reer Soomaaliland iyo Kilinka shanaad ayaa muujiyey dareenkoodii, kana falceliyey gefkaa uu Ingiriis fuliyey kuna garab siiyey Amxaaro inay dalkii qaybtaa gacanta ku dhigto. Mar kale ayaa dareenka wadaniyeed ee uu abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” lahaa soo burqadey maanso guubaabo ah.
Niman yahow is dhiganoo Wakhtigii dhamaayee
Dhulku wuu ina sugayaa Cadowgaa dhexdeenaa
Maka dhoofinaa Dhagaxbuur Axmaaradii
Dadkeenii dhamaysoo Dhimbiilaa ka duulee
Cadowgaa dhexdeenaa Maka dhoofinaa.
Inakstuu uu dareen maansoodo abwaan Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” , haddana waa dadka aadka u adkeysiga badan een muuqaal ahaan aanlaga dareemin waxa gubaya, aanuna saameyn ku yeelan jidhkiisa. Iyadoo lagu jiro maalmihii adkaa ee xornimadoonkii Soomaaliland iyo kicintii Ingiriiska ayuu abwaan Maxamed Ismaaciil Barkhad Cas (IHUN) arkey abwaan Saxardiid (IHUN) oo muuqaal ahaan aad u fiican . Abwaan Barkhad Cas fikirkii iyo hawlgaladii gobanimodoonka ayaa dhafoorkiisa ka muuqdey, muuqaal ahaana waa laga dareemayey in wax gubayeen. Abwaan Saxardiid oo u sheegaya abwaan Barkhad Cas inuu dareenka la qabo, kulana jiro halganka kicinta gumaeysiga ayuu tiriyey maanso ididiilo badan iyo rajo wanaagsan ku abuurtey abwaan Barkhad Cas oo si niyadsan ugu dhawaaqey intii soo kacey oo gacanta qabsadey abwaan Saxardiid: “ Dhiman mayo ilaa aan calanka arko”. Illaahay weedhaa wuu u dhabeeye Abwaan Barkhad Cas waxaanu arkey calankii 26 Juun 1960 la saarey, geeriduna ya haleeshay 1963.
Maansadii weedhaa awooda dheer ku boqran ka keentay abwaan Barkhad Cas, wuxuu ku yidhi abwaan Saxardiid:

Bilicda hilibkiyo,bidhaanta ha arkine
Bukaanka dadku waa nimuu bararshiyo
Nimuu baxadiisa kalo jaro’e
Balaayoy naftaada ha baqo galin
Halka ku bugtaa ana I balashee
beerka iyo wadnahaa isu boodaaye
Balayoy naftaadaha baqo galin
Inaad bari dhaw bul adag noqoto
Balan baan kuugu qaaday adoo bogsadee
Birta iyo calankaa buruudka ku side,
Tixraac:
1-Wareysi Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” – Wargeyska Haatuf gu’gii 2010.
2- Wareysi Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” Weriye Axmed Siciid Cige
3-Wareysi Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” TV-Ga Qaranka Somaliland
4- Wareysi Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” -Hadhwanaag News gu’gii 2013
5- Buug yare Taariikhdii Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye”-Jaamicada Hargeysa Gu’gii 2011
6- Saxardiid Maxamed Cilmi “Jabiye” -Qoraal Kooban Ilyas Cabdi Carte
7- Kayka Mareegaha Farshaxan

Diyaarintii iyo isku dubaridkii :
Fu’aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org

COMMENTS
Latest News