Senegal: Haweenay Ka Socotay Somaliland Oo Diiday In Ay Hoos Fadhiisato Calanka Somaliya
June 22, 2019 - Written by admin

Dr Mariam Abdillahi Dahir oo shir kaga qayb galeysey usbuucii hore waddanka Senegal ee galbeedka Afrika ku yaala, ayaa waxaa dhacday in la isku dayey in la hoos fadhiisiyo CALANKA Somalia oo ay mataleysey gabadha la yidhaahdo Ifraax Axmed (Sawirka bidix).

Dr Mariam Abdillahi Dahir waxay agaasinkii shirka u sheegtay inayna ka socon waddan la yidhaahdo Somalia ee ay ka socoto dalka Somaliland, markaa inayna sinaba u aqbalayn inay hoos fadhiisato magaca iyo calanka Somalia.

Buuq iyo isjiid-jiid badan ka dib, waxay agaasinkii shirku go’aamiyeen in Dr Mariam Abdillahi Dahir miis gooniya oo aan ka Somalia ahayn la fadhiisiyo oo waliba magaca waddankeeda Somaliland lagu muujiyo.

Dhacdadani waxay marag ka tahay in dadka Somaliland qadiyadoodu aanay ahayn wax ciyaar ciyaaar ah ee ay ku adag yihiin, marnabana aanay qaadanayn in waddan ayna u dhalan oo wax isugu jiraaba aanu jirin lagu sheego oo la yidhaahdo isagaa idin matala.

Dr Mariam Abdillahi Dahir hambalyo ayeynu leenahay, waxaad tahay aqoonyahanad geesiyad ah oo ah mustaqbalkii dadka iyo dalka Somaliland,shaki la’aana hogaamiyayaasha beri ee Somaliland ayaad ka mid tahay, oo ah kuwa barwaaqada iyo badhaadhaha Somaliland u hor seedi doona.

Guuleyso aqoonyahad!

Somaliland ha jirto,shacabkeeduna ha guuleysto.

Suleyman Yusufdhakhtar

COMMENTS
Latest News