Ethiopia: Madaxweynihii Amxaaradda iyo Taliyihii Milatariga Dalkaas Oo La Dilay
June 23, 2019 - Written by admin

Weerar ay soo qaadeen Koox Ciidamo ah oo ka tirsan Liyuu Booliska Amxaarada ayaa lagu soo waramayaa in ay qabsadeen Magaaladda Bahir Dar ee deegaanka Amxaaradda, halkaas oo ay sidoo kale ku dileen Madaxweynihii deegaankaasi Dr. Ambachew Mokennon.

Magaaladda ayaa waxa ku hareeraysan ciidamadda Milatariga ee Dalka Ethiopia,kuwaas oo aan ilaa hadda wax talaabo ah qaadin.

ciidamadan ayaa damacsanaa in ay qaadaan afganbi, waxaana lagu soo waramayaa in uu magaaladda Ka jiro jaho wareer.

Dhinaca Kale waxa isla caawa la sheegayaa in Magaaladda Addis Ababa lagu dhex dilay Taliyihii Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee wadankaasi General Seara Mokennon, 

Ra’isal Wasaare Abiy Ahmed Cali oo goor dhaweyd warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay talaabo adag qaadi doonaan, waxaanu dhinaca kale wadamada Deriska ka codsaday in ay taageero u fidiyeen, hadii looga baahdo.

wararka ayaa isa soo taraya, hasayeeshee waxa aanu idiin balanqaadaynaa in aanu idinla soo socodsiin doono wixii ka soo kordha xaaladda wadanka Ethiopia.

COMMENTS
Latest News